Home Federaalka Madaxweynaha Soomaaliya Oo Gaaray Addis Ababa, Halkaas Oo Lagu Wado Inuu Kafurmo...

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Gaaray Addis Ababa, Halkaas Oo Lagu Wado Inuu Kafurmo Shir Madaxeedka Midowga Afrika

0

Addis Ababa, Ethiopia ____  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa kala qeyb galaya Hoggaamiyeyaasha Afrika Meertada 39-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika, isagoo xoojinaya dadaallada diblumaasiyadeed ee ku aaddan difaaca midnimada iyo wadajirka Qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceedyo la yeelan doonaa madaxda gobolka iyo kuwa Afrika ee Shirka ka qeyb galaya, isagoo ku bogaadinaya, kuna adkaynaya mowqifka taariikhiga ah ee ay ka istaageen xadgudubka sharci darrada ah ee Israa’iil ay kula kacday midnimada Soomaaliya, ugana mahadcelinaya taageerida xubinnimada dalkeenna ee Golaha Ammaanka iyo Nabadda Afrika.

Shir Madaxeedka ururka Midowga frika AU ayaa 14 ka bishan February kafurmaya caasimada Ethiopia ee Addis Ababa, isagoo socon doona muddo laba maalmood ah.

Shirka Midowga Afrika ayaa sanadkaan qodobada looga doodi waxaa kamid ah;

  • Warbixin ku saabsan shaqada laga qabtay Saddexda Ajendaha Mawduuca ee Midowga Afrika – (Nabadda & Amniga, Is-dhexgalka & Horumarka Waara iyo Codka Afrika).
  • Warbixin ku saabsan Dib-u-habaynta Hay’adaha Midowga Afrika.
  • Warbixin ku saabsan khibradda Jamhuuriyadda Koonfur Afrika ee madaxtinnimada G20 iyo Warbixinta ka qaybgalka Midowga Afrika ee G20.
  • Magacaabidda Toban (10) xubnood oo ka tirsan Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika.
  • Tixgelinta warbixinta xaaladaha colaadeed ee Suudaan iyo Koonfurta Suudaan, iyo xaaladda gobolka Saaxil.
  • Soo bandhigida warbixinada Guddiyada Madasha Golaha ee Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Dowlad Goboleedyada ka qeybgalaya Madasha Dib-u-Eegista Asxaabta Afrika (APRM).
  • AUDA-NEPAD Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Guddiga Hanuuninta Dowladda.
  • Guddiga Tobanka (C-10) ee Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda ee dib u habeynta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
  • Madaxda Qaranka iyo Guddiga Dowladda ee Isbeddelka Cimilada (CAHOSCC).
  • Guddiga Golaha ee AfCFTA iyo Guddiga Golaha ee Afrika CDC.
  • Soo bandhigida Warbixinta Sannadlaha ah ee Guddoomiyaha Komishanka Midowga Afrika, oo ay ku jiraan Horyaalka Ajendaha 2063, iyo kuwo kale.

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version