Ankara, Turkey | Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa lafilayaa inuu safar ugu ambabaxo dalalka isutaga Imaaraatka Carabta, iyo Itoobiya, sida ay shaacisay waaxda warfaafinta dalkaas.
Madaxweynaha Turkiga Recep Erdogan ayaa lafilayaa in maalinka barriuu gaaro dalka Isutagga Imaaraatka Carabta, halkaasoo uu magaalada Abu Dhabi kula kulmi doono madaxweynaha Imaaraatka Sheekh Mohammed bin Zayed Al Nahyan.
Wadahadalada labada hogaamiye ayaa larajeynayaa in diirada lagu saaro talaabooyinka lagu hormarinayo xiriirka iskaashi ee udhexeeya labada dal, iyo sidoo kale horumarka gobolka iyo kan caalamka.
Erdogan ayaa lafilayaa in maalinka Talaadada ah uu booqasho kugaaro magaalada caasimada ah ee Addis Ababa ee dalka Itoobiya; halkaasoo uu casuumaad kahelay ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali.
Inta uu kuguda jiro Erdogan booqashadiisa Itoobiya ayaa waxaa lafilayaa in dhowr heshiis iyo document kuwaa oo wadahadaladooda ladhameystiray lasaxiixo.
Safarka Erdogan ee labadaan dal ayaa daba jooga safar uu horaantii bishan February kugaaray dalalka Sacuudiga iyo Masar.
Recep Erdogan ayaa soo laabashadiisa kadib safarkii Masar sheegay in Turkiga iyo Sucuudiga ay sare uqaadi doonaan iskaashigooda warshadaha difaaca isagoo soo xiganaya jawaab celin wanaagsan oo ku saabsan diyaaradda dagaalka Turkiga ee KAAN taasoo lagu soo saaro gudaha dalka Turkiga.
Turkiga ayaa doonaya inuu xoojiyo xiriirka kala dhexeeya dalalka Khaliijka iyo Afrika.
