Muqdisho, Soomaaliya | Wasiirka dekedaha Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay Khamiista todobaadkii hore in la samaynta marinnada maraakiibta tooska ah ee badda ee Turkiga ay noqotay lama huraan istaraatiiji ah iyada oo la ballaarinayo ganacsiga iyo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah.
Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo la hadlayay Anadolu isaga oo ka qeyb galaya Shirka 2-aad ee Wasiirada Gaadiidka ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee ka socda Istanbul ayaa sheegay in is dhaafsiga ganacsi ee labada dal uu ka sare maray awoodda hannaanka saadka ee hadda jira.
Wasiirka ayaa yidhi “Heerka ganacsi ee hadda ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga wuxuu ka gudbay qaabka saadka”, waxa uuna intaa ku daray in khadadka tooska ah ee badaha ay yareeynayaan kharashaadka, waqtiyada bixinta iyo kordhinta guud ee ganacsiga.
Shirkan labaad ee Wasiirada Gaadiidka ee Ururka iskaashiga Islaamka OIC ayaa waxaa isugu yimid Wasiirada Gaadiidka ee ka kala socda dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka, waxaana looga hadlay isku xirka iyo iskaashiga kaabayaasha dhaqaalaha. Wasiir Cabduqaadir Nuur waxa uu sheegay in ay macno weyn tahay in wax laga qabto isku xirka gaadiidka ee magaalo taariikhiyan ku xiran tahay qaarado, ilbaxnimo iyo marin ganacsi.
Waxa uu sheegay in mawduuca shirku uu dhaafsiisan yahay kaabayaasha farsamada si diiradda loo saaro wadajirka, barwaaqada la wadaago iyo adkeysiga istaraatiijiga ah xilli silsiladaha sahayda caalamiga ah ay yihiin kuwo jilicsan iyo waddooyinka kale ee ganacsiga dib loo habeynayo.
Dekadaha iyo shabakadaha saadka, ayuu yidhi, waxay noqdeen udub dhexaadka amniga dhaqaalaha.