Home DIBADDA Shiinaha Oo 53 Dal Oo Afrika Ah Kadhaafaya Canshuuraha Dhoofka

Shiinaha Oo 53 Dal Oo Afrika Ah Kadhaafaya Canshuuraha Dhoofka

0

Beijing, China ___ Dowladda Shiinaha ayaa 53-ka waddan ee Afrikaanka ah ee ay xiriirka diblomaasiyadeed la leedahay ka hirgelin doonta tallaabooyin meesha kasaaraya canshuuraha laga qaado badeecooyinka ay u dhoofiyaan Shiinaha, taa oo hirgali doonta 1da May, sida ay kuwarantay warbaahinta Shiinaha ee CGTN Sabtidii shalay.

Beijing ayaa sii wadi doonta wada xaajoodka iyo saxiixa heshiisyada iskaashiga dhaqaale ee wadajirka ah, iyadoona sii ballaarin doonta helitaanka suuq ee dhoofka kayimaada Afrika iyada oo loo marayo habab la cusboonaysiiyay sida kanaalka cagaara.

Dhaafida canshuuraha dhoofka ee Afrika ayaa imanaya iyadoo ururka Midowga Afrika uu shir madaxeedka sannadlaha ah ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Kulanka oo socday muddo laba maalmood ah ayaa la looga dooday xasaradaha waaweyn ee amni ee guud ahaan Afrika, oo ay ku jiraan Suudaan, gobolka Saaxil, iyo Soomaaliya, iyada oo ay weheliso doodaha ku saabsan hawlaha cimilada, dib-u-habaynta dhaqaalaha, iyo xoojinta hay’adaha dawladda.

Shiinuhu ayaa ah saaxiibka ugu weyn ee ganacsiga Afrika iyo taageeraha muhiimka ah ee mashaariicda kaabayaasha waaweyn ee gobolka.

Dalal badan oo Afrikaan ah ayaa si isa soo taraysa u eegaya Shiinaha iyo saaxiibada kale ee ganacsiga tan iyo markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu canshuuro adag ku soo rogay qaar kamid ah dalalka caalamka sannadkii hore.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version