Dhaka, Bangladesh | Hogaamiyayaasha dalalka dhaca Koofurta Aasiya iyo Ingiriiska ayaa lakulmay ra’iisulwasaaraha cusub ee Bangladesh, Tarique Rahman kaa oo kusoo baxay doorasho kadhacday dalkaas dabayaaqada todobaadkii tagay, kadib xafladii dhaarinta oo dhacday fiidkii xalay.
Intii ay socdeen kulamada, hogaamiyeyaashu waxay xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada dhinac, oo ay ku jiraan iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga, isku xirka, tamarta, waxbarashada, daryeelka caafimaadka, isbeddelka cimilada, socdaalka, xiriirka udhexeeya bulshada dalalkaas iyo iskaashiga gobolka.
Hogaamiyayaasha xaadiray munaasabada dhaarinta ra’iisulwasaaraha cusub ee Bangladesh ayaa waxaa kamid ah;Madaxweynaha Maldevis Mohamed Muizzu, Ra’iisulwasaaraha Bhutan Dasho Tshering Tobgay, Gudoomiyaha baarlamaanka India Om Birla, Wasiirka Qorsheynta Pakistan Ahsan Iqbal Chaudhary, Wasiirka arrimaha dibadda Nepal Bala Nanda Sharma, Wasiirka warfaafinta iyo caafimaadka Nepal Nalinda Jayatissa, iyo Ku xigeenka Xoghayaha Arrimaha dibadda baarlamaanka UK ee u qaabilsan Indo-Pacific Seema Malhotra.
Hoggaamiyayaashu waxay si gooni gooni ah u soo dhaweeyeen Rahman, iyagoo kumatalayay dowladahooda xafladda xaflada dhaarinta Tarique Rahman.
Rahman ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an yahay sida uu si dhow ula shaqeeynayo la-hawlgalayaasha Koonfurta Aasiya iyo meelo ka baxsan si loo xoojiyo xiriirka labada dhinac loona horumariyo nabadda, xasilloonida iyo barwaaqada gobolka.
Xisbiga qaran BNB ayaa kuguuleystay inuu noqdo ra’iisulwasaaraha 11 aad ee Bangladesh iyo madixii ugu horreeyay ee rag ah ee soo mara dowladda tan iyo 1991. Tarique Rahman ayaa xilka hayn doona muddo shan sano ah isagoo hoggaamin doona Baarlamaanka oo ka kooban 300 kursi iyo Golaha Wasiirada oo ka kooban 49 xubnood.
Horaanta Talaadadii shalay, 297 xildhibaan ayaa loo dhaariyay baarlamaanka 13-aad, kuwaas oo kusoo baxay doorashadii usbuucii hore, tan iyo kacdoonkii 2024-kii ee soo afjaray xukunkii 15 ka sano katalinayay Bangladesh ee Awami League. Baarlamaanka cusub waxaa ku jira 212 xildhibaan oo ka socda xisbiga uu hoggaamiyo BNP iyo 77 xildhibaan oo ka socda xisbiga uu hoggaamiyo Jamaat-e-Islami ee Bangladesh.
Dowlad ku meel gaar ah oo uu hoggaaminayay Muxamed Yunus ayaa Bangladesh maamulaysay tan iyo August 8, 2024, ka dib markii Ra’iisul Wasaarihii hore Sheekh Hasina ay u qaxday Hindiya August 5 isla sanadkaas.
Ogeysiisyo gaar gaar ah oo ay soo saartay Waaxda Golaha Wasiirrada habeenkii Talaadada, ayaa si rasmi ah loogu magacaabay ra’iisul wasaaraha iyo 49 xubnood oo ka tirsan Golaha Wasiirrada, 25 wasiir oo buuxa iyo 24 wasiiro da’yar ah.
Waxay sidoo kale sheegtay in golaha la talinta ee dowladda ku-meel gaarka ah ee uu hoggaamiyo Yunus la kala diri doono, iyadoo mas’uuliyadaha maamulka iyo siyaasadda loo wareejin doono Golaha Wasiirrada ee cusub.
