Home DIBADDA Pakistan Oo Duqeymo Cirka Ah Ka Fulisay Dhowr Gobol Oo Dhaca Afghanistan

Pakistan Oo Duqeymo Cirka Ah Ka Fulisay Dhowr Gobol Oo Dhaca Afghanistan

0

Islamabad, Afghanistan  __Pakistan ayaa duqeymo dhanka cirka ah ka fulisay toddobo goobood oo ku yaala bariga iyo koonfur-bari Afgaanistaan ​​habeennimadii Xalay, iyadoo bartilmaameedsanaysa goobo ay ku dhuumaaleysanayaan dagaalyahannada, si ay uga aargutaan qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee dhawaan kadhacay caasimadda Islamabad.

Mas’uuliyiinta Afghanistan ​​​​ay soo wariyay in tobanaan qof oo rayid ah ay dhinteen halka ay dhaawacmeen tobanaan kale, oo ay ku jiraan carruur.

Pakistan, ayaa jawaab celin aargoosi ah, kafulisay  fulisay bartilmaameedyo sirdoon oo ku yaala toddobo xero ayadoo bartilmaameedsaneysa todobo qof oo argagixiso ah iyo goobo ay ku dhuumanayaan oo ay leeyihiin Taliban-ka Bakistaan ​​​​ee Fitna al Khwarij kuwa udhaqdhaqaaqa iyo Dowladda Islaamiga ah ee Gobolka Khorsan ee xuduudda, sida ay kuwarantay wasaarada warfaafinta Pakistan.

Weerarradan ay geystay Pakistan ayaa yimid ka dib dhacdooyinkii ismiidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacay gudaha dalkeeda gaar ahaan weerar ismiidaamin ah oo Jimco Lixdii bishan February kadhacay Masjid Ay Maamulaan Shiicada kaas oo ay kunafwaayeen tiro 32 ruux ah halka dhaawacuna gaaray 170 qof.

Afhayeenka u hadlay Afghanistan Zabihullah Mujahid ayaa cambaareeyay weerarrada, isagoo sheegay in ciidamada Pakistan ay duqeeyeen muwaadiniin rayidka ah oo ku suganaa gobollada Nangarhar iyo Paktika, iyagoo dilay oo dhaawacay tobanaan qof, oo ay ku jiraan haween iyo carruur.

Wariye katirsan wakaaladda wararka ee AFP oo kusugan degmo lagu magacaabo Behsud oo katirsan gobolka Naghar ayaa soo wariyay inuu arkay dad isticmaalaya Baldoosar si ay ula soo saaraan dhibanayaal ku hoos jira burburka dhismayaal burburay.

Duqeymaha ayaa sidoo kale garaacay degmooyinka Ghani Khel iyo Khogyani oo katirsan gobolka Naghar iyo sidoo degmooyinka Barmal iyo Urgun oo katirsan gobolka Pakita, hase yeeshee laamaha ammaanka ayaa sheegay inaysan jirin wax dhibaato ama waxyeelo ah oo ay ka diiwaan galiyeen, degmooyinka Barmal iyo Urgun.

Wasaarada Difaaca Afghanistan ayaa sheegtay in jawaab kuhaboon kabixin doonto duqeymaha Pakistan waqtiga ugu haboon.

None

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version