Muqdisho Soomaaliya – Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 20-aad ee wadajirka ah, oo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan guddoomiye ku xigeennada labada aqal.
Ajendaha kulanka wadajirka ah ee maanta ayaa ahaa dib u eegista dastuurka, marxaladdiisa labaad iyo ka doodista soo jeedimaha wax ka baddalka dastuurka, gaar ahaan cutubka 9-aad, qodobadiisa 130-aad ilaa 154-aad.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dooda cutubka 9-aad ee dastuurka ay sii socon doonto islamarkaana la sii amba qaadi doono kulanka kan xiga.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dardar iyo kulamo joogto ah kuwada waxkabadalka iyo ansixinta dastuurka, iyadoo ay magaaladda Muqdisho kusuganyihiin xubnaha ugu miisaanka culus mucaaradka, iyadoo loo madalsanyahay inuu furmo shir udhexeeya xubnaha mucaaradka ah iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Xubnaha mucaaradka ah ayaa iyagu si adag uga biyo diidsan waxkabadalka dastuurka, iyagoo kusifeeyay sharciyad uu madaxweynaha Soomaaliya ku muddo kororsanaayo.
