Hargeysa, Somalia – Maamulka Somaliland ayaa siidaayay magcaabista Dr Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud ee ah safiirka Somaliland uqaabilsanaan doono Israel.
Geesta kale Israel ayaa aqbashay magacaabista safiirnimada Maxamed Xaaji ee Somaliland u magacowday danjireheeda ufdhin doona Israel.
Magaabista Somaliland ee masuulkan umagacowday Israel ayaa imanaya kagdaal markii dabayaaqada sanadkii tagay ee 2025 ka ay Israel dal madaxbanaan u’aqoonsatay maamulka Somaliland.
Tan iyo wixii kadambeeyay markii Israel kudhawaaqday Aqiinsiga Somaliland waxaa bilowday xiriiro dibloaasiyadeed oo ay is dhaafsanayaan labada dhinac iyadoo uu booqasho laqorsheeyay kutagay Hargeysa wasiirka arrimaha dibadda Israel Gedion Sa’ar, silamid ahna Somaliland ay dirtay ilaa dhowr xubnood todobaadyadii lasoo dhaafay kuwaas oo gaaray Israel, xubnahan ayaa sida xogo lahelay tilmaamayaan kafaa’ideysanaya xiriirka ubilowday Somaliland iyo Israel iyagoo kazoo kororsan doona xogaha laxirira teknolojiyada, beeraha, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
