Home DIBADDA Wadahadalada Nukliyeerka Iran Iyo Mareykanka Oo Kafurmay Geneva

Wadahadalada Nukliyeerka Iran Iyo Mareykanka Oo Kafurmay Geneva

0

Geneva, Switzerland – Dowladda Cumaan ayaa xaqiijisay inuu bilowday wareeg cusub wadahadalada aan tooska aheyn ee udhexeeya Mareykanka iyo Iiraan kaasoo kusaabsan wadaxaajoodyada Nukliyeerka Iiran Khamiista maanta ah.

Bilowgii wadahadallada ayaa ku soo beegmay kulan dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan Badr Al Busaidi iyo Rafael Grossi, iyo madaxa Hay’adda Tamarta Atomiga Caalamiga ah IAEA, sida ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ku baahisay bartii horay loo dhihi jiray Twitter ee X.

Wasiirka arrimaha dibadda Cumaan Badr Al Busaidi ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda doorka xirfadeed iyo farsamo ee hay’adda Atoomikada IAEA iyo baahida loo qabo in la hubiyo hufnaanta, kalsoonida, iyo dowlad wanaaga saxda ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Abbas Araghchi ayaa hoggaaminaya wafdiga diblomaasiyadeed ee Iiraan ee kaqeybgalaya wadahadallada, oo ay ku jiraan Wasiir Kuxigeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Arrimaha Siyaasadda Majid Takht-Ravanchi, iyo sidoo kale koox khubaro nukliyeer iyo sharci isugu jira.

Dhinaca Mareykanka, sida wareegyadii hore udhacayba loo arkayba, waxaa wareegaan sidoo kale hogaaminaya Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka Steve Witkoff iyo wiilka uu soddogga u yahay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee Jared Kushner.

Wasaaradda arrimaha dibadda Cumaan ayaa sheegtay in wasiir Badr Al Busaidi uu sidoo kale kulan la qaatay Witkoff iyo Kushner subaxnimadii saaka, iyadoo intaa ku dartay in kulanka looga hadlay aragtida iyo soo jeedinta Iiraan.

Intii uu socday kulanka, wasiirka arrimaha dibadda Cumaan mr Busaidi ayaa sheegay in dadaalladu ay usocdaan si dadaal, iyo niyad wax dhisaysa leh, iyadoo gorgortannadu ay muujinayaan furfurnaan aan horay loo arag oo ku aaddan xalal cusub oo hal abuur leh, iyagoo abuuraya shuruudo taageero ah si loo gaaro heshiis caddaalad ah oo leh dammaanad waarta.

Horraantii Khamiista maanta ah, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan Esmaeil Baghaei ayaa sheegay in Tehran ay aragtideeda iyo soo jeedinteeda u gudbisay dhinaca Mareykanka iyadoo umareysa dhexdhexaadiyeyaasha Cumaan.

Tehraan iyo Washington ayaa yeeshay laba wareeg oo wadahadallo dadban ah oo ay ku jiraan dhexdhexaadinta Cumaan tan iyo markii diblomaasiyadda nukliyeerka ay dib u bilaabatay bishii hore, ka dib dadaallo ay sameeyeen waddamada gobolka, oo ay ku jirto Turkiga, si loo yareeyo xiisada udhaxeysa labada dal.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version