Home DIBADDA Dagaal Weerar Iyo Weerar Celis Ah Oo Dhexmaray Dalalka Pakistan Iyo Afghanistan,...

Dagaal Weerar Iyo Weerar Celis Ah Oo Dhexmaray Dalalka Pakistan Iyo Afghanistan, Iyadoo Uu Dhinac Kasta Guul Sheeganayo

0

Kapul, Afghanistan – Pakistan ayaa weerar kuqaaday caasimadda Afghanistan ​​ee Kabul, iyadoo kusheegtay, jawaabta weeraro kadhaczy gudaha Pakistan.

Duqeynta Pakistan ​​ayaa timid Jimcaha maanta ah ka dib markii kooxda Taliban ee Afghanistaan ​​ay ku dhawaaqeen weerar ka dhan ah xarumaha militariga Pakistan ​​ee u dhow xadka ay wadaagaan labada dal.

Wasiirka Difaaca Pakistan Khawaja Asif ayaa sheegay in hadda ay laguda galay dagaal furan oo u dhexeeya Pakistan iyo kooxda Taliban ee Afghanistan, iyadoo qaraxyo laga soo sheegayo inay kadheceen caasimada Afghanistan ee Kabul iyo dagaallo ka socda xuduudda ay wadaagaan labada dal.

Afhayeenka dowladda Taliban ee ka arrimisa Afghanistan Zabihullah ⁠Mujahid ayaa sheegay in Afghanistan ay qaadayso hawlgallo weerar oo ballaaran oo ka dhan ah militariga Pakistan kuwaa oo ku teedsan Khadka lagu magacaabo Durand ee kala qaybiya xadka labada dal.

Pakistan ayaa sheegtay inay dishay 228 dagaalyahan oo Taliban ah laba ka mid ahna ay dhinteen. Sida laga soo xigtay Afghanistan, 55 askari oo Pakistan ah ayaa la dilay halka siddeed ka mid ah dagaalyahannadeeda ay ku dhinteen weerarrada. Tirakoobka dhimashada labada dhinac ayaa ah kuwa aan si madax bannaan loo xaqiijin karin.

Dalalka adduunka ayaa ku boorinaya dhinacyada dagaallamaya inay muujiyaan dulqaad, xiisada labada dal ayaa isa soo tareysay todobaadyadii lasoo dhaafay.

Xiisaddii ugu dambeysay dagaalo toddobaadyo socday ayaa ka dhacay xadka ay wadaagaan waddamadan dariska ah, iyadoo labaduba ay sheegteen in tobanaan qof laga dilay.

Iyadoo xiisada labada dal cirka isku shareertay, ra’iisul Wasaaraha Pakistan ayaa sheegay in waddankiisu leeyahay awood buuxda oo uu ku burburin karo hami kasta oo gardarro ah, halka wasiirka difaaca dalka Pakistan uu ku dhawaaqay dagaal furan oo ka dhan ah Taliban-ka Afgaanistaan.

Afghanistan oo kajawaab celinaysa ayaana sheegtay Afhayeen u hadlay Taliban-ka Afgaanistaan ​​ayaa kusheegay barta twitter ka X inay ku jawaabeen weeraro cusub oo ka dhan ah ciidamada Pakistan, inkastoo qoraalkaas latiray.

Iskahorimaadyada ayaa qarxay ka dib markii ciidamada Afghanistan ​​ay weerarro xuduudeed ku qaadeen Pakistan iyagoo ka jawaabaya duqeymihii cirka ee Axaddii ka dhacay gudaha Afghanistan, kuwaas oo ay ku dhinteen dad badan.

Pakistan ​​ayaa sheegtay in duqeymaheeda Axaddii ay ku dileen 70 argagixiso, halka saraakiisha Afghanistan ​​​​iyo Qaramada Midoobay ay sheegeen jiritaanka dhimashada dad rayid ah, balse  Islamabad ayaa beenisay.

Xiisaada udhaxeysa labada dal ayaa ah mid circa isku sii shareereysa iyadoo todobaadyadii lasoo dhaafay ay uu mid kasta qaadayay talaabo dhinaca kale kacareysiinaya.

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version