Tehran, Iran – Israel ayaa waabarigii saaka weeraro gantaalo ah kuqaaday caasimada Iran ee Tehran iyo dhowr goobood oo kale.
Weerarka Israel kuqaaday Iran ayaa yimid kagadaal markii ay isweydaarsadeen dagaal dhanka cirka ah bishii June sanadkii tagay ee 2025 , iyo sidoo kale hanjabaadyo soo noqnoqday oo kadhan ah Iran kuwaas oo ay hawada umarinayaan Israel iyo Mareykanka.
Wasiirka difaaca Israel; Katz ayaa sheegay in Israa’iil weerar ka hortag ah ku qaadday Iran si ay meesha uga saarto khataraha ku soo fool leh.
Sarkaal Mareykan ah, ayaa ku warramay in duqeymaha Mareykanka ee Iran ay socdaan. Ilo wareed ayaa u sheegay wakaalada wararka Reuters in hoggaamiyaha ugu sarreeya Iran, Ayatollah Ali Khamenei, uusan joogin Tehran isla markaana loo wareejiyay goob ammaan ah oo kabaxsan caasimadda.
Mareykanka oo ah gacanta midig ee Israel ayaa kahadlay weerarka Iran Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanka uu hawlgallo dagaal oo waaweyn ka bilaabay Iiraan ka dib markii Israa’iil ay sidoo kale sheegtay inay gantaallo ku weerartay dalkaas.
Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegay inay bilaabeen mowjaddii ugu horreysay ee gantaallo aargoosi ah iyo duqeymo diyaaradeed oo kuwajahan Israa’iil.
Kadib weydaarsigii gantaalada Iran, Israel iyo Mareykanka, Tehran ayaa duqeymaha kaga yimid Mareykanka kaga jawaabtay si aan lafilayn, iyadoo weeraro saf mar ah ka geystay dalalka Khaliijka gaar ahaan Imaaraatka Carabta, Qatar, Bahrain, Sacuudiga iyo Kuweit.
Colaada, iyo dagaalka kaqarxay Bariga Dhexe ayaa ah mid saansaantiisa ladareemayay bilihii iyo todobaadyadii lasoo dhaafay, iyadoo wadahadalo kusaabsan Nukliyeerka Iran ay kasocdeen Muscat Cumaan.

Sacuudi Carabiya ayaa cambaareysay waxa ay ku tilmaantay “gardarrada arxan darrada ah ee Iiraan” ka dib markii Tehran ay bilowday weeraro aargoosi ah oo lagu bartilmaameedsanayo saldhigyada militariga Mareykanka ee gobolka oo dhan.
Wasaaradda difaaca ee Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqday “in si guul leh loo qabtay dhowr gantaal oo kayimid Iran, laakiin waxay sheegtay in hal qof uu ku dhintay burbur ku dhacay meel ay dad deggan yihiin oo ku taal Abu Dhabi.
Baxrayn, sarkaal ayaa sheegay in weerarrada Iran ay bartilmaameedsadeen aagga ay ku sugan yihiin Ciidanka Badda Mareykanka ee Shanaad. Markabka USS Abraham Lincoln ayaa ku sugnaa dekedda halkaas oo dhowr toddobaad ka hor inta uusan dib ugu laaban Badda Carabta si uu uga qayb qaato hawlgalkan.
Qatar, ayaa sheegtay inay qabatay weerarada kaga yimid Iran, nidaamka difaaca cirkana uu sidoo kale qabtay weeraro kusocday Kuwait.
Xiisada dagaal ee Israel iyo Iran ayaa saameyn kuyeelatay isu socodka duulimaadyada iyo laxiray hawada dalalka Kuweit, Imaaraatka Carabta iyo Qatar, shirkadaha diyaaradaha Turish Airlines, British Airways, Qatar Airways iyo kuwa kale ayaa baajiyay duulimaadyadooda dalalka Khaliijka xiisada dagaal owgeed.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergei Lavrov ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Iran Abbas Araghchi, isagoo cambaareeyay waxa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ay ku sheegtay weerar hubaysan oo aan sabab lahayn oo Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iran, wuxuuna ku boorriyay in si degdeg ah loo joojiyo weerarrada.
Sarkaal Mareykan ah ayaa u sheegay warbaahinta Al Jazeera inay sii wadi doonaan weerarrada ballaaran ee cirka iyo badda ee ka dhanka ah Iran, iyadoo hoggaamiyaha Israa’iil uu sheegay in weerarrada loogu talagalay in lagu baabi’iyo waxa uu ugu yeeray khatarta jirta.
Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegay in bartilmaameedyada militariga Israa’iil iyo Mareykanka ee Bariga Dhexe ay ku dhaceen dharbaaxooyin xooggan oo gantaallada Iran ah ayagoo intaas kudaray in hawlgalku uu usii socon doono si aan kala joogsi lahayn.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Cumaan ayaa codsi u dirtay Mareykanka, iyadoo usheegtay inuusan kani aheyn dagaalkiisa, silamid ah dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Mohamed Bin Salman, iyo Amiirka Qatar Tamim Bin Hamid Al Thani ay kubaaqeen in degdeg loo joojiyo dagaalka intii lagu guda jiray wicitaan dhexmaray labada masuul.
Dhinaca kale waxaa faahfaahino kasoo baxayaan weerar ay Israel kuqaaday Iran kaas oo la ogaaday khasaaraha kadhashay, Wakaalada wararka Iran ee IRNA ayaa kuwarantay in 50 gabdhood oo dhiganayay dugsi hoose oo kuyaala magaalada Minab ee Koofurta dalkaas ay geeryoodeen halka 6o kale ay kudhaawacmeen.
Waxaa isa soo taraya baaqyada loo jeedinayo joojinta xiisada dagaal ee ka aloolsan Bariga dhexe.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Abbas Araghchi ayaa la xiriiray wasiirada arrimaha dibadda ee Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Qatar, Kuwait, Baxrayn iyo Ciraaq; wuxuuna uga digay inaysan u oggolaan Mareykanka iyo Israa’iil inay dhulkooda u adeegsadaan ama ka weeraraan Iran haddii kale ay noqon karaan bartilmaameedyo sharci ah.