Home DIBADDA Wasiirka Arrimaha Dibada Botswana Oo Warqadaha Aqoonsiga Kagudoomay Danjiraha Soomaaliya Ee...

Wasiirka Arrimaha Dibada Botswana Oo Warqadaha Aqoonsiga Kagudoomay Danjiraha Soomaaliya Ee Dalkaas

0

Botswana – Wasiirka Arrimaha  Dibada Dalka  BOTSWANA Oo Nuqul Kamid ah Warqadaha Aqoonsiga Danjiranimo ka Gudoomay Danjiraha Jamuuriyada Federaalka soomaaliya ufadhin Doona Dalkaas .

Wasiirka  Arrimaha Dibada Ee Dalka  BOTSWANA (Hon Dr Phenyo Butale) ayaa maanta ka godoomay Nuqul kamid  ah Warqadaha aqoonsiga Safiirnimo Safiirka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ee  Southern Africa Amb. Mohamed Sheikh issak kaas oo ka noqon doona Dalkaasi Safiir aan deganayn.

Munaasabad Kooban oo ka dhacday xarunta Wasaarada Arrimaha Dibada dalkaasi Botswana ayuu Danjire Maxamed Isaaq ku guddoonsiiyay Wasiirka Arimaha Dibada Dalkaas  Nuqul kamid ah Warqadaha Safiirnimo , waxaana sidoo kale uu gaarsiiyay Wasiirka salaan uu ka waday Wasiirka Arrimaha Dibada  JFS.

Danjire maxamed Shiekh ayaa Waxaa Si Heerkeedu Sareyo Loogu Soodhaweeyay Xarunta Wasaarada Arrimaha Dibada Ee Dalka Botswana ow Ka yahay safiir Madegaan ah Kuna Matali doona Jamuuriyada Federaalka soomaaliya.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version