Tehran, Iran – Warbaahinta dowladda Iran ayaa aroornimadii saaka xaqiijisay geerida hogaamihii kacaanka Islaamiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei, weerarada Israel iyo Mareykanka ee soo bilowday galinkii hore maalinamadii shalay ayaa ujeedku ahaa in meesha laga saaro masuuliyiinta ugu sareysa Iran oo uu kamid yahay Ayatollah Khamenei.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Truth Social kaga hadlay dhimashada Khamenei isagoo sheegay in Ayatollah lagu dilay weeraro wadajir ay ufuliyeen Mareykanka iyo Israel, kuwaas oo bilowday subaxnimadii Sabtida.
Iran ayaa kudhawaaqday 40 barri oo baroordiiq ah oo loo dhigayo hogaamiyihii sare ee golaha kacaanka Iran Ayatollah Ali Khamenei kaas oo xukunka sare ee Iran soo hayay in kudhow 40 sano.
Qaar kamid ah Saraakiisha ugu sarreeya amniga ayaa sidoo kale lagu dilay duqeymihii Sabtidii, iyadoo ay weheliyaan gabadha uu dhalay Khamenei, wiilka uu soddogga u yahay iyo wiilka uu awoowga u yahay. Dilalka loo geystay saraakiishan waxay calaamad u yihiin mid ka mid ah dharbaaxooyinka ugu cuslaa ee soo gaaray hoggaanka Iran tan iyo kacaankii Islaamiga ahaa ee 1979 ka.
Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa cambaareeyay dilka hogaamiyaha Iran Khamenei isagoo kutilmaamay dambi weyn, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiskiisa.

Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian Waxa uu sidoo kale ku dhawaaqay toddobo maalmood oo fasax dadweyne ah marka lagu daro muddada baroordiiqda ee 40 ka maalmood ah.
Kadib warka geerida Khamenei waxaa bilowday mudaharaadyo lagu cambaareynayo dilkiisa, sawiro ay baahisay warbaahinta dowladda Iran ayaa muujinaya taageerayaal baroordiiq ku sameynaya macbadka Imaam Reza ee Mashhad, iyadoo la arkay dhowr qof oo ooyaya misana murugaysan.
Dilka Ayatollah Ali Khamenei ayaa sidoo kale horseeday dibadbaxyo ka dhacay dalka Ciraaq oo deriska la ah, kuwaas oo ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroordiiq dadweyne ah. Baqdaad, dibadbaxayaashu waxay la kulmeen ciidamada amniga ee Aagga Cagaaran ee aadka loo adkeeyay, kaas oo hoy u ah dhismayaasha dowladda Ciraaq iyo safaaradaha shisheeye.
Ali Larijani, madaxa Golaha Amniga Qaranka ee ugu sarreeya Iran, ayaa ku eedeeyay Mareykanka iyo Israel inay isku dayayaan inay dhacaan Iran, isagoo sidoo kale ugu baaqay Iiraaniyiinta inay umidoobaan. Kooxaha doonaya inay kala qaybiyaan Iran waxa uuna yiri “Waa inay ogaadaan inaanan u dulqaadan doonin”.
Ayatollah Khamenei ayey weerarada wadajirka ah ee Israel iyo Mareykanka dileen isagoo kusugan xafiiskiisa.
Si lamid ah Trump; ra’iisulwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inay jiraan calaamado muujinaya in ladilay Khamenei.
Iyadoo mas’uuliyiinta Iiraan ay muddo dheer qorsheynayeen dilka Khamenei haddii ay dhacdo dagaal lala galo Mareykanka iyo Israa’iil, haddana dilkiisu wuxuu shaki cusub gelinayaa khilaaf soo ifbaxaya oo durba kiciyay walaac ah in dagaalku uu sii kordhi karo oo uu sii fidi karo si dagdag ah.
Ayatollah Khamenei wuxuu ahaa hoggaamiyaha ugu sarreeya Iran tan iyo 1989 kii, isagoo bedelay aasaasihii Iran, Ayatollah Ruhollah Khomeini, kaasoo hoggaaminayay kacaankii Iiraan ee dhacay sanadkii 1979 kii.
Duqeymihii Sabtidii lagu qaaday Iran ayaa beegsaday 24 gobol ayagoo dilay 201 qof sida ay kuwaramayaan warbaahinada Iran.
Netanyahu ayaa khudbadiisa ku sheegay in masuuliyiin sarsasare lagu beegsaday mowjadaha weerarrada lagu bartilmaameedsanayo hoggaamiyeyaasha sare, iyadoo Trump uu ku baaqay in gabi ahaanba dowladda la rido.
Iran oo ka aargudaneysa weerarada wadajirka ah ee Israel iyo Mareykanka ayaa duqeymo circa ah kuqaaday dalalka Khaliijka iyadoo weerartay saldhigyada iyo maraakiibta Mareykanka ee kusugan dalalka Carabta.
Iran ayaa weeraro kageystay; Imaaraatka Carabta, Qatar, Sacuudiga, Kuweit, Jordan, Baxreyn, iyo Cumaan.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa kulan degdeg ah kayeeshay weerarada Israel, Mareykanka iyo Iran iyadoo xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutters uu ku tilmaamay dhacdooyinka maalintaas inay yihiin khatar weyn oo ku wajahan nabadda iyo amniga caalamiga ah, isagoo ku booriyay bulshada caalamka inay midoobaan oo ay gobolka oo dhan ka soo celiyaan qarka.