Home Koonfur Galbeed Madaxweyne Laftagareen Oo Kahadlay Khilaafka Kala Dhexeeya Dowladda Federaalka

Madaxweyne Laftagareen Oo Kahadlay Khilaafka Kala Dhexeeya Dowladda Federaalka

0

Baydhabo, Soomaaliya – Madaxweynaha Koonfurgalbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo shir jaraa’id kuqabtay gudaha magaaladda Baydhabo ayaa kahadlay khilaafka soo kala dhex galay maamulka uu hogaamiyo iyo dowladda federaalka, xilli uu maanta kudhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu kahayay xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka JSP.

Madaxweyne Laftagareen oo jeediyay khudbad dheer ayaa tilmaamay “in dowladda federaalka ay faragalin qaawan kusoo qaaday deegaanada Koonfurgalbeed, isagoo laalay waxkabadalkii ay baarlamaanka Soomaaliya kusameeyeen dastuurka”.

Laftagareen ayaa sheegay “in dastuurkii la ansixiyay 2012 ka uu yahay midka sharciga ah oo Soomaalidu kuheshiisay laguna dhaqmaayo, Lafatagareen ayaa hadalkiisa kudaray in habraac qaldan iyo musuqmaasuq lagu meel mariyay, bulshada Soomaaliyeedna aysan heshiis ku aheyn, dadka Soomaaliyeedna ay heshiis ku aheyn, kuna kala tagaayaan aysan qeyb ka aheyn, kuna jirin, aysanna aqbaleyn”.

Madaxweyne Laftagareen ayaa “madaxweynaha Soomaaliya iyo xukuumadiisa ugu baaqay inay isugu yeeraan Soomaalida, meel dhexdhexaad ahna laisugu yimaado, lagana wadahadlo masiirka ummadda Soomaaliyeed”.

Madaxweynaha Koonfurgalbeed ayaa carabka kudhuftay in dowaldda federaalka maalmihii lasoo dhaafay kuhowlaneyd sidii Koonfurgalbeed ufurfuri laheyd shacabkana isaga hor keeni laheyd, loona baabi’in lahaa nidaamka federaalka iyo dowladnimada, dadkana loo kala geyn lahaa ciidankana loo kala qeybin lahaa.

Madaxweyne Laftagareen ayaa shirkiisa jaraa’id kusheegay “in Koonfurgalbeed qaadaneyso talaabooyin lagu dardargalinayo sugida amniga iyo wadjirka siyaasadeed ee bulshada Koonfurgalbeed sida uu dhigayo dastuurka Koonfurgalbeed iyo kan federaalka ee 2012 ka”.

Xiriirka dowladda federaalka iyo dowladgoboleedka Koonfurgalbeed ayaa gaaray meeshii ugu hooseesay tan iyo markii uu soo baxay khilaafka udhexeeya labada dhinac.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version