Baydhabo, Soomaaliya – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay magaalada Baydhabo saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay howlgalka lagu sifeynayay maleeshiyaadka Khawaariijta ee wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.
Kulankan oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee Baydhabo iyo deegaanada ku hareereysan, kaddib markii ay halkaasi soo gaareen cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ay wehliyaan ciidamada deegaanka.
Saraakiishii kulanka ka qeyb gashay ayaa guddoomiyaha siiyay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan howlgalka guuleystay ee lagu xaqiijiyay amniga wadada muhiimka ah ee isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, iyo sidoo kale xaaladaha ugu dambeeyay ee amniga deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha ayaa si gaar ah u bogaadiyay ciidamada kala duwan ee ka qeyb qaatay howlgalka, isagoo ku ammaanay naf-hurnimadooda iyo doorkooda ku aaddan difaaca qarannimada Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale ku booriyay inay sii xoojiyaan dadaallada lagu sugayo amniga, isla markaana la dardargeliyo howlgalada ka dhanka ah kooxaha Khawaariijta.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka, oo ay ku jiraan Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka, ergayga gaarka ah ee ka hortagga xagjirnimada, Aweys Maxamed Cumar, iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya Tanzania, Ilyees Cali Xasan.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ay ku xoojineyso amniga iyo xasilloonida dalka, gaar ahaan deegaanada Koonfur Galbeed.

