Home DIBADDA Wasiirkii Hore ee Maaliyadda Malawi Oo Loo Xiray Eedeymo Musuqmaasuq

Wasiirkii Hore ee Maaliyadda Malawi Oo Loo Xiray Eedeymo Musuqmaasuq

0

Lilongwe, Malawi – Booliiska dalka Malawi ayaa xiray wasiirkii hore ee maaliyadda Simplex Chithyola, kadib markii lagu eedeeyay falal la xiriira lacag-dhaqid iyo ku takrifal awoodeed, chithyola, oo hadda ah hoggaamiyaha mucaaradka ee baarlamaanka, ayaa isku dhiibay booliiska Axaddii, kaddib markii uu ogaaday in la raadinayo. Qareenkiisa George Kadzipatike ayaa xaqiijiyay eedeymaha loo haysto.

Wasiirkan hore ayaa xilka maaliyadda hayay intii u dhaxeysay 2023 ilaa 2025, xilligii dowladdii madaxweynihii hore Lazarus Chakwera, taasoo lagu beddelay doorashadii dhacday bishii Sebtembar.

Mas’uuliyiin badan oo ka tirsanaa dowladdii Malawi Congress Party (MCP) ayaa wajahaya baaritaanno la xiriira musuqmaasuq iyo maamul xumo, kuwaasoo ka dhacay xilligii ay talada hayeen.

Chithyola ayaa horey u soo jiitay indhaha shacabka, kaddib markii lagu arkay “bandhigyo hantiyeed” intii uu waday ololihiisii uu ugu tartamay xilka xoghayaha guud ee MCP, inkastoo uusan ku guuleysan.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ugu yaraan siddeed wasiir hore ama mas’uuliyiin sare oo ka tirsanaa dowladdii hore la xiray ama la su’aalay. Waxaa ka mid ah xoghayihii hore ee madaxtooyada iyo golaha wasiirrada Colleen Zamba, iyo wasiirro hore oo kala ahaa ganacsiga, dowladaha hoose, warfaafinta iyo beeraha.

Sidoo kale, wasiirkii hore ee maaliyadda Sosten Gwengwe ayaa la xiray, balse damiin ayaa lagu sii daayay.

Ilaa hadda, booliiska ma shaacin waqtiga uu Chithyola ka soo muuqan doono maxkamadda, sidoo kale isaguna si rasmi ah ugama hadlin eedeymaha loo jeediyay.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version