Muqdisho, Soomaaliya – Dabaal daga asaaska maalinta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo kubeegan 12 ka April ayaa maanta kaqabsoontay qeybo kamid ah gobolada iyo magaalooyinka Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo taliyaha milatariga ayaa goob jog ka ahaa munaasabada ay ciidanka xoogga Soomaaliya ugu dabaaldagayeen maalinta asaaskooda oo kasoo wareegtay 66 sano.
Madaxweynaha ayaa salaam Sharaf kaqaatay cutubyada kala gadisan ee ciidanka, iyadoo goobta uu madaxweynuhu kusugnaa ee wasaaradda Gaashaandhiga lagu soo bandhigay gaardis ay sameenayaan qeybaha kala gadisan ee kamidka ah ciidamada xoogga.
Munaasabadda loogu dabaaldagayey 66 sana guurada kasoo wareegtay asaaska ciidanka xoogga ayaa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay nuucyada kala gadisan ee hubka iyo gaadiidka ee ciidanka xooggu haystaan.
Bandhiga munaasabadda ciidanka ayaa waxaa sidoo kale kaqeyb ahaa diyaaradaha dagaalka F-16 iyo iyo diyaaradaha uu Turkigu sameeyo ee T129.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilado geesinimo, iyo howlkarnimo guddoonsiiyey saraakiil hoggaan u ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Munaasabadda lagu maamusayey maalintan qaran ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa qaar kamid taliyayaashii soomaaray hogaanka ciidanka oo uu kamid ahaa taliyihii ciidanka xoogga sareeye gaas Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe, iyo saraakiil kale oo qaranka usoo shaqeeyay kahor burburka iyo kadibba, iyadoo uu madaxweynuhu gudoonsiiyay billado si lamid saraakiisha hadda shaqada kujirta.

Madaxweynaha oo hadal kajeediyay munaasabada loogu dabaal dagayo 66 sano guurada kasoo wareegtay asaaska ciidanka xoogga Soomaaliyeed ayaa sheegay “Inay dib ugu noqonayaan wadadii hore ee ay kasoo habaabeen si tartiib tartiib ah”, madaxweynaha ayaahadalkiisa intaa raaciyay in “Mardhow jaamacadda difaaca ay kafurayso dowladdu dalka gudihiisa, saraakiisha hoose ee ciidankana halkaan lagu tababarayo”.
Sarkaalkii ugu horeeyay ee hogaamiya ciidanka xoogga ayaa Janaraal Daa’uud Cabdulle Xirsi.
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee maanta 66 sano jirsaday ayaa soo maray waqtiyo kala duwan 30 kii sano ee ugu horeysay dowladnimadda Soomaaliya ciidanka xoogga ayaa ahaa ilaaliyaha qaranka iyagoo dagaal labo jeer ah lagalay dhigooda Itoobiya iskana caabiyay.
Kadib burburkii dalkana ciidanka xoogga waxay kusugnaayeen darajo kahooseeysa kii 30 ka sano ee hore ay kusugnaayeen awood ahaan, dhaqaale ahaan, iyo siyaasad ahaanba iyagoo kaalmaha ugu hooseeyo kagali jiray qiimeynta ciidamada dalalka caalamka.
Soomaaliya ayaase hadda ah mid si weyn uga soo kabaneysa mahadhooyinkii dagaaladda sokeeye ugeysteen.