Baydhabo, Soomaaliya – Hogaamiyaha maamulka Koomfurgalbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa booqday fariisimaha amni ee laga ilaaliyo amniga magaaladda Baydhabo.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa halkaas kula kulmay Ciidamada Qalabka Sida iyo Ciidanka Birmadka Koonfurgalbeed, isagoo intii uu ku guda jiray booqashada u kuurgalay xaaladda ciidamada, howlaha ay hayaan iyo dadaallada ay ugu jiraan sugidda amniga magaalada Baydhabo iyo deegaanada ku xeeran. Waxa uu sidoo kale ciidamada ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda amni ee furimaha iyo howlaha socda ee lagu xaqiijinayo nabadgelyada shacabka.
Hogaamiyaha Koonfurgalbeed Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale ugu hambalyeeyay ciidamada guusha iyo geesinimada ay muujiyeen, gaar ahaan iska caabintii ay kala hortageen weerarkii Khawaarijta ay maalmo ka hor kusoo qaadeen magaalada Baydhabo, isagoo dhanka kale bogaadiyay Ciidamada Qalabka Sida iyo ciidamada maamulka Koonfur Galbeed, isagoo ku ammaanay geesinimada, dulqaadka iyo dadaalka ay ku bixinayaan difaaca shacabka iyo ilaalinta amniga.
Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ciidamada ku dhiirrigeliyey inay sii wadaan howsha adag ee ay bulshada u hayaan, isagoo xusay in shacabka Koonfur Galbeed ay garab taagan yihiin ciidamada difaacaya dalkooda, dadkooda iyo dowladnimada.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada maamulka Koonfur Galbeed ku xoojinayo amniga magaalada Baydhabo iyo guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo mudnaanta la siinayo sugidda amniga, taageeridda ciidamada iyo ilaalinta shacabka.
