Muqdisho – Maxkamadda Sarre ee Soomaaliya ayaa go’aan ka gaartay dacwadda laga soo gudbiyay doorashadii isku sidkaneyd ee ka dhacday dowlad goboleedka Galmudug 30 ka bishii July ee sanadkaan.
Doorashadan oo ka dhacday 11 degmo oo katirsan dowlad goboleedka Galmudug ayey shacabku ku dooranayeen Golaha Wakiilada maamulka Galmudug, iyo Golaha Deegaanka.
Gudiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyay natiijada doorashada 3 dii bishan august.
doorashada ayaa la arkayay inay hareeyeen musuq maasuq iyo wax is daba marin kadib markii la helay muuqaalo muujinaya codad lagu wado kululeyso, iyo wakiilada xisbi ka mid ah ka mid ah kuwii tartamayay oo loo geysanayo jirdil iyo handadaad.
Ururka Dib u Heshiisiinta iyo Horumarinta Towfiiq ayaa qaadacay natiijada doorashadii ka dhacday Galmudug iyadoo dacwad ka dhan ah gudiga doorashooyinka u gudbiyay Maxkamadda Sarre ee Soomaaliya 10 ka bishan august, maxkamadda oo kiiska dacwadda u fadhiisatay 17ka ilaa19 ka bishan ayaa maanta soo saartay go’aan kama dambeys ah oo ku saabsan doorashadii uu gudiga doorashadu ka qabtay dowlad goboleedka Galmudug.
Dacwada uu gudbiyay ururka Towfiiq oo u tartamayay doorashada Golaha Wakiilada Galmudug iyo Golaha Deegaanka ayaa waxaa ku jiray eedeymo taabanaya gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka kuwaas oo ay ka midyihiin; inuu gudigu ka beyray dhexdhexaadnimadii oo aanu si dhex dhexaad ah u hirgalin howlihii doorasho oo uu sameeyay xaglin, in maalintii doorashada dheceen khaladaad farsamo, sharci iyo xadgudubyo kuwaas oo ay sheegeen inay keeneen in lagu kalsoonaan waayo natiijada isla markaasna dhaawacay hufnaanta, daahfurnaanta, xornimada iyo xalaalnimada doorashada, si lamid ahna loo diiday in goobaha codbixinta geystaan wakiiladooda, qaar kood la xiray, kuwa kalana dhibaato jireed loo geystay, in codad lagu shubtay, waraaqo aan rasmi aheynna lagu codeeyay, sidoo kalana meelo aan loo qorsheen la geeyay sanaadiiq, kuwa qaarkood oo yaalay goobihii codbixinta ilaa laba maalmoodna ku sii jireen.
Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo go’aankeeda ku saleeneysa qodobka 82 aad ee sharciga doorashooyinka iyo mabaadii’da dastuuriga ah ee doorasho xor iyo xalaal ah cadaalad ah ay go’aamisay in doorashadii isku sidkaneyd ee ka dhacday Galmudug aan loo maamulin loona qaban si waafaqsan dastuurka iyo sharciga doorashooyinka dalka sidaas darteedna natiijada doorashada ay tahay mid aan sax aheyn – waxba kama jiraan.
Maxkamadda oo cuskaneysa qodobka 77 aad ee sharciga doorashooyinka ayaa go’aamisay in khaladaadkii dhacay ay ahaayeen kuwa aan la sixi Karin isla mar ahaan taasna dhaawac weyn u geystay hufnaanta, xornimada iyo xalaalnimada doorashada saameyn tabanna ku yeeshay natiijadooda.
Maxkamadda Sarre ayaa fartay gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka in waqtiga ugu dhow ugu nacquulsan qabto doorashooyinka Golaha Wakiiladda iyo Golaha Deegaanka isagoo si dhameystiran u raacaya dastuurka dalka, sharciga doorashooyinka, sharciga dhismaha gudiyada iyo xeerarka ururada iyo xisbiyada siyaasadda.
