Muqdisho – Xafiiska Hanti dhowrka Guud ee Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay warbixinta baaris maaliyadeedka sanadka 2025ka.
Hanti Dhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Axmed Ciise Guutaale oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiska Hanti Dhowrka ayaa soo bandhigay baarista maaliyadda sanadka 2025 ka.
Xafiiska Hanti Dhowrka ayaa baaris maaliyadeed ku sameeyay 30 mashruuc oo ay maalgaaliyeen hay’addo caalami ah kuwaas oo kala ah 22 mashruuc uu maalgaliyay Bangiga Adduunka 7 mashruuc oo uu maalgaliyay Bangiga Horumarinta Afrika iyo Hal Mashruuc oo uu maalgaliyay Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha.
Hanti Dhowraha Guud ayaa baarista Maaliyadeed ee dowladda federaalka ka bixiyay aragti nadiif ah “Un Qualified Opinion” isagoo tilmaamay in aragtida nadiifka ah ay ka dhigan tahay in warbixinta maaliyadeed ay si xaqsoor leh uga tarjumeyso dhinacyada dhinacyada muhiimka ah ee xaaladda Maaliyadeed ee dalka.
Hanti Dhowraha ayaa soo bandhigay dakhliga dheef wadaagga ah ee Shirkadaha maamula Gagida diyaaradaha Aadan Cadde ee Favori iyo Dakadda Muqdisho ee Al Bayrak, dowladda Soomaaliya ayaa 25% ku leh dakhliga uu qabto qandaraaslaha, si lamid ahna 62.17% waxa ay ku leedahay dakhliga kasoo xarooda Dakada Muqdisho iyadoo dowladdu sanadkii lasoo dhaafay kaheshay $42,235,735 isku darka labada shirkadood ee Al Bayrak iyo Favori, taasoo ka kala timid $38,81,786 shirkadda Al Bayrak ee Maamusha Dakada Muqdisho, 4,153,948 taas oo iyana ka timid shirkadda Favori LCC ee maamusha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Baarista Hanti Dhowrka ee 2025ka ayaa muujisay horumar laga sameeyay isku xirka nidaamyada dakhliga, hase yeeshee aanay todobo nidaam ku xirneyn nidaamka maareynta xogta maaliyadeed ee Soomaaliya.
Hanti Dhowraha ayaa sharaxay nidaamyada aan ku xirneyn nidaamka maareynta xogta maaliyadeed iyo halka ay hoostagaan ama cida maamusha, waxa ayna kala yihiin:
1.Nidaamka diiwaangalinta ganacsiga, 2. nidaamka maamulka canshuuraha, 3. nidaamka canshuurta wadda marista, 4. nidaamka canshuurta dakhliga kirada, 5. nidaamka dalku galka danabeysan, 6. nidaamka danabeysan ee dakhliga aan canshuurta aheyn, 7. nidaamka aruurinta dakhliga dowladda federaalka. Nidaamyadan ayuu sheegay Hanti Dhowruhu inay maamulaan Wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.
22 Hay’adood oo ka tirsan dowladda federaalka ayaa maray baarista U Hogaansanaanta Sharciga kuwaas oo miisaaniyadoodu aheyd $821,996,234 oo u dhiganta 60.1% miisaaniyadda dowladda aheyd $1,359,714,328.
Baarista lagu sameeyay hay’adahan ayaa dabooleysa iibka maamulka shaqaalaha, maamulka hantida iyo kontoroolka gudaha kuwaas oo laga helay 66 khalad.
Sida uu baaristiisa ku ogaaday xafiiska Hanti Dhowrka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa 14 diblomaasi u dirtay dibadda iyadoo aan si buuxda u raacin shuruudihii looga baahnaa,halka 14 shaqaale aysan qaadan tababarka diblomaasiyadda ka hor inta aysan howlgalin.
Baarista xafiiska Hanti Dhowrka ayaa muujisay gaabis ka jira dhinacyadda diiwaangalinta gaadiidka, heshiisyada dheef wadaagga, diiwaan galinta hantida deeqaha dibadda, maamulka iyo maareynta masaajidda iyo waqafka, kormeerka daawooyinkaiyo kaydinta diiwaanada dambiyadda.
Sidoo kale xafiiska ayaa baarista gaarka ku sameeyay; canshuur dhaafka, canshuuraha daaraha iyo mashiinadda POS, Hay’adda Maareynta Musiibooyinka SODMA, Safaaradaha Soomaaliya ee Kenya, Turkey iyo Djabuti.
Baarista xafiiska Hanti Dhowrka ayaa sidoo kale muujisay in nidaamyadda macluumaadka dowladdu ay gacanta ku hayaan, hormariyaan, maamulaan shirkaddo gaar loo leeyahay iyadoo aysan jirin heshiisyo rasmi ah oo ay kula jiraan hay’adaha dowladda, xafiiska ayaa tilmaamay in arintani keeni karto khatar la xiriirta lahaanshaha, iyo ilaalinta xogta dowladda, amniga xogta, joogteynta adeegyada, ku tiirsanaanta shirkadaha gaarka ah iyo isla xisaabtanka kharashaadka dowladda.
