Galmudug– Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa war saxaafadeed ka soo saaray amarkii ka soo baxay maxkamadda sarre ee dib loogu celiyay doorashadii isku sidkaneyd ee ay ka qabteen dowlad goboleedka Galmudug dabayaaqada bishii todobaad ee tagtay.
Gudiga ayaa sheegay in isagoo fulinaya awoodihiisa dastuuriga ah, kuna dhaqmaya Sharciga doorashooyinka qaranka, sharciga dhisidda guddiga iyo sharciga ururada iyo xisbiyada, habraacyada, xeer-nidaamiyaha iyo tilmaamaha sharciga, uu u taagan yahay jihaynta mabaadi’da hirgelinta doorashooyin xor, xalaal ah, hufan oo ay muwaadiniintu si siman uga wada qayb-galaan.
Gudiga doorashooyinka ayaa soo saaray laba qodob oo uu midna ku aqbalayo go’aankii Maxkamadda Sarre ee dalka dib ugu celisay doorashadii ay ka qabteen maamulka Galmudug iyo mid uu ku soo mudeyn doono xilliga ay qabanayaan doorashada ku celiska ah ee Golayaasha Deegaanka, iyo Golaha Wakiiladda Galmudug.
Gudiga ayaa yiri “Guddigu isaga oo tixgelinaya kaalinta dastuuriga ah ee Maxkamadda Sare, sarreynta sharciga iyo in khilaafaadka doorashooyinka lagu xalliyo hannaan garsoor oo sharci ah si waafaqsan Qodobka 73aad ee Xeerka Doorashooyinka Qaranka oo tilmaamaya Awoodda Maxkamadda Sare ee ka garnaqidda iyo go’aanka ka gaarista dacwadaha la xiriira doorashooyinka, waxa uu aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka soo baxay ee ku saabsan doorashadii isku-sidkanayd ee ka dhacday Dowlad-Goboleedka Galmudug, Guddigu waxa uu soo muddeyn doonaa xilliga la qabanayo doorashada ku-celiska ah ee Dowlad-Goboleedka Galmudug”.
War saxaafadeedka Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa yimid iyadoo maalinimadii Isniinta 24 ka August ay Maxkamadda Sare ee Soomaaliya soo saartay go’aan ay dib ugu celisay gudiga doorashooyinka doorashadii ay ka qabteen dowlad goboleedka Galmudug kadib markii Urur siyaasadeedka Towfiiq ay dacwad kagudbiyeen hanaanka iyo sharciyada doorashada Galmudug.
