Dhul Gariir cabirkiisa lagu qiyaasay 6.1 ayaa ka dhacay Bariga Gacanka Cadan aroornimada Jimcahaa maanta ah, sida ay ku warantay waaxda sahanka Juqraafiyadda Mareykanka ee magaceeda loo soo gaabiyo (USGS).
Dhul gariirka ayaa ka dhacay meel u dhexeysa xeebaha Soomaaliya iyo Yaman, dhul gariirkan ayaa ka dhacay abaara 12:07 AM saqda dhexe ee habeenkii xalay meel 145 km u jirta xeebaha Soomaaliya sida ay ku warantay waaxda Sahanka Juqraafiyadda Mareykanka.
Wargeys ka soo baxa dalka Masar ayaa isaguna ka soo xigtay xarunta cilmi baarista Jarmalka ee GFZ in dhul gariir cabirkiisu gaarayo 6.2 uu ka dhacay Bariga Gacanka Cadan 01:07 am.
Si lamid ah xarunta sahanka juqraafiyadeed ee Sucuudiga ayaa iyaduna tibaaxday xarumo ay leedahay Shabakadda La Socodka Dhulgariirka Qaranka ay qabteen 12:07 saqda dhexe ee xalay.
Wargeyska Fox News ee ka soo baxa Mareykanka ayaa sheegay in dhul gariirka uu ka dhacay meel 91mile u jirta Waqooyiga xeebta Caluula joog badda ka hooseeya 6.3.
Waaxda sahanka Juqraafiyadda Mareykanka ee (USGS) ayaa ku dartay in dhowr dhacdo oo dhul gariirka ah laga dareemay xadka Soomaaliya iyo Djabuti iyo dalka Yemen.
Majiro khasaara dhimasho ama dhaawac oo uu geystay dhul gariirka.
