Home DIBADDA Dhoolatus Milatari Ay Sameeyeen Ciidamada Mareykanka Iyo Filibiin Oo Ka Qayb Qaateen...

Dhoolatus Milatari Ay Sameeyeen Ciidamada Mareykanka Iyo Filibiin Oo Ka Qayb Qaateen Japan

0

Manila, Philippines – Kumanaan askari oo Mareykan ah iyo Filibiin ah ayaa Isniintii bilaabay tababarkooda milatari ee sanadlaha ah, inkastoo Washington ay weli isku dayayso inay la dagaallanto Iiraan. Markii ugu horreysay sanadkan, cutub ka tirsan ciidamada Japan ayaa ku biiray tababarrada.

Tababarrada waxaa ka mid ah dhoolatusyo toos ah oo ka dhacaya waqooyiga Filibiin, oo ka soo horjeeda marin biyoodka Taiwan, iyo gobol wajahaya Badda Koonfurta Shiinaha ee lagu muransan yahay, gobol ay ka dhaceen iskahorimaadyo joogto ah oo u dhexeeya ciidamada badda Filibiin iyo kuwa Shiinaha.

Kornayl Dennis Hernandez, oo ah afhayeenka ciidamada Filibiin ee ka qayb qaadanaya dhoolatusyada, ayaa sheegay in ciidamada Japan oo ka kooban 100 askari ay isticmaali doonaan gantaal nooca 88 ah si ay markab ugu quusiyaan xeebta waqooyi ee Paweū.

In ka badan 17,000 oo askari, diyaarado, iyo badmaaxe ayaa ka qayb qaadanaya dhoolatusyada Balikatan ee 19-ka maalmood ah, erayga Balikatan ayaa la macno ah “is garab istaag” oo ka qayib qaatay qiyaastii tiro la mid ah tiradii sannadkii hore, oo ay ku jiraan cutubyo militari oo ka socda Australia, New Zealand, Faransiiska, iyo Kanada.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version