Home DIBADDA Trump Oo Ku Dhawaaqay Weerar Lagu Qaaday Markab Xamuul Ah Oo Iiraan...

Trump Oo Ku Dhawaaqay Weerar Lagu Qaaday Markab Xamuul Ah Oo Iiraan Leedahay

0

Tehran, Iran – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku dhawaaqay hawlgal ay ciidamada Mareykanka ka fuliyeen Gacanka Cumaan, kaas oo markabka burburiyaha ee USS Spruance uu ku qabtay markab xamuul oo weyn oo laga leeyahay Iiraan, laguna magacaabo Tosca, kaddib markii lagu eedeeyay inuu jebinayay xayiraadda badda ee Mareykanka.

Trump ayaa bartiisa Truth Social ku sheegay in markabka Tosca, oo dhererkiisu gaarayo ku dhawaad 274.32 Meter isla markaana cabbir ahaan u dhow markab diyaaradeed, uu diiday inuu u hoggaansamo digniino isdaba joog ah oo ka imaanayay Ciidamada Badda Mareykanka.

Markaasi kaddib, markabka burburiyaha ee Mareykanka ayaa si toos ah u beegsaday qolka matoorka markabka, taasoo sababtay inuu istaago. Ciidamada Mareykanka ayaa markaas gudaha u galay oo si buuxda ula wareegay markabka, iyadoo kooxo gaar ah ay bilaabeen baaritaan ku saabsan xamuulka saaran.

Trump ayaa intaa ku daray in markabkan horey loogu daray liisaska cunaqabateynta ee Waaxda Maaliyadda Mareykanka,
sababo la xiriira taariikh la sheegay inay ku lug leedahay hawlo sharci darro ah. Wuxuu sheegay in Markabku isku dayay inuu jebiyo xayiraaddeena badda. Isla markana ay Hadda si buuxda ula wareegeen, iyadoo baaritaan lagu wado si loo ogaado waxa uu siday.

Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ciidamadeedu ay qabteen markab xamuul ah oo calanka Iiraan saaran oo ku sii jeeday dekedda Bandar Abbas, waxay sheegtay in markabka lagu curyaamiyay rasaas lagu riday qolka matoorka.

Dhinaca kale, jawaabtii ugu horreysay ee militariga Iiraan ayaa si kulul uga hortimid howlgalka.
Xarunta dhexe ee Khatam al-Anbiya ayaa ku tilmaantay weerarka xadgudub cad iyo fal burcad-badeednimo ah.

War-saxaafadeed ay soo saareen ayay ku sheegeen in ciidamada Mareykanka ay rasaas ku fureen markab ganacsi oo Iiraan leedahay oo marayay Gacanka Cumaan, isla markaana ay si qasab ah ugu dageen, taasoo ay ku tilmaameen mid khatar ku ah amniga iyo hagidda maraakiibta ee gobolka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version