Kinshasa, Congo – Warbixin uu daabacay Reuters ayaa shaaca ka qaaday in shirkad Mareykan ah oo muhiim u ah dadaalka maamulka Trump ee helitaanka macdanta ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ay buunbuunisay khibraddeeda macdan qodista.
Shirkadda Virtus ayaa sheegtay in ay khibrad u leedahay ka shaqeynta dalka Congo, isla markaana ay maamusho warshad lagu farsameeyo macdanta kala dwan ee Copper iyo Cobalt, Reuters ayaa ogaatay in shirkaddu aysan waligeed la wareegin warshaddaas, isla markaana ay hawl gab ahayd tan iyo 2012, sida ku cad dukumentiyo shirkadeed, iyo diiwaanno maxkamadeed.
Virtus ayaa bishii Maarso ku iibsatay miinooyinka Chemaf lacag dhan 30 milyan oo doolar, taasoo noqotay maalgelintii ugu horreysay ee muuqata ee ka dhalata iskaashi istiraatiiji ah oo u dhexeeya Mareykanka iyo Congo, kaas oo loogu talagalay in Mareykanku helo fursad macdan muhiim ah .
Mas’uul ka tirsan Congo ayaa sheegay in khibradda dhinaca amniga ee hoggaamiyeyaasha Virtus ay door ka qaadatay oggolaanshaha heshiiska, maadaama Mareykanku uu sidoo kale dhexdhexaadin ka wado nabad u dhexeysa Congo iyo Rwanda.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in ay si buuxda u taageersan tahay maalgashiga Virtus, iyadoo ku tilmaamtay mashruuc hormuud u ah soo jiidashada maalgashi gaar loo leeyahay oo Mareykan ah gudaha Congo.
Si kastaba, khubaro ayaa walaac ka muujiyay hufnaanta iyo baaritaanka saxda ah ee shirkadda, iyagoo su’aal geliyay in ay dhab ahaan leedahay awood farsamo iyo mid hawlgal oo ku filan mashruuc sidan u weyn, gaar ahaan iyadoo Congo ay leedahay kayd aad u ballaaran oo cobalt, naxaas iyo lithium ah.
