Home Editor's Picks Mucaaradka Soomaaliya Oo Maalinkii Labaad Uu Shir Uga Socdo Muqdisho Iyo Siyaasiyiin...

Mucaaradka Soomaaliya Oo Maalinkii Labaad Uu Shir Uga Socdo Muqdisho Iyo Siyaasiyiin Horleh Oo Kusoo Biiray

0

MUQDISHO – Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Soomaaliya ayaa maalinkii labaad Muqdisho kula shirsan qeybaha kala duwan ee bulshada, maalinimadii shalay oo uu furmay masuuliyiinta mucaaradka ah ayaa guriga madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed kula shiray nabadoonada iyo oda dhaqameedka beelaha Hawiye, halka maanta ay lashireen culamaa udiinka.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad gudoomiyaha culumada Soomaaliyeed oo maanta tagay madasha uu kasocdo shirka ayaa sheegay inay doonayaan “Inay gacanta qabtaan cida dowladda iyo Mucaaradka”.

Dhanka kale Siyaasiyiin hor leh oo kasoo horjeeda hanaanka ay dowladdu umaareeneyso doorashooyinka soo socdo ayaa gaaraya goobta shirka mucaaradka uu kasoconayo oo ah hoyga madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Agaasimihii hore ee hay’adda nabad sugida qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow agaasimihii dhawaan xilka laga qaaday ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda, Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo siyaasiyiin xisbiyo madax ka ah oo uu kamid yahay gudoomiyaha xisbiga Xaqsoor Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Cali Caynte, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Xasan Cali Kheyre, iyo Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay iyo maanta gaaray hoyga Shariif Sheekh Axmed oo uu kasoconayo kulamo kala duwan oo mucaaradku laqaadanayaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay “Ineysan dooneyn doorasho ay maamulayaan hogaanka maamul goboleedyada kuwaas oo soo xulaya xildhibaanada, iyo doorashada uu doonayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ee uu computer ka kuwato inay kadhacdo dalka” Guuleed oo hadalka sii wata ayaa intaa kudaray “Inay doonayaan doorasho ay Kuwada qanacsanyihiin mucaaradka, dowladda, iyo shacabka Soomaaliyeed intaba”.

Muddo xileedka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ah mid uu kaharsanyahay wax kayar hal bil, iyadoo dhanka kale uu ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo maanta hadlay uu sheegay “In muddo xileedka dowladda uu yahay 5 sano waqtina uu uharsanyahay” ra’iisulwasaaraha ayaa cuskaday dastuurkii 2012 ka iyo midka dhawaan ay ansixiyeen baarlamaanka Soomaaliya inay si isku mid ah uqabaan muddo xileedka madaxweynuhu inuu yahay shan sano oo aan dood kataagneyn isagoo mucaaradka kasoo horjeeda xukuumadiisa ujeediyay “inay iswaafajiyaan dastuurkii 2012ka iyo waqtigii waa dhamaaday”.

Si kastaba ha ahaatee waxaa xargaha goosanaya qeyla dhaanta laxiriirta doorashooyinka dalka.

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version