Tehran, Iran | Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Abbas Araghchi, ayaa bilaabi doona safar gobol oo uu ku tagayo Pakistan, Cumaan iyo Ruushka laga bilaabo fiidnimada Jimcaha, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka rasmiga ah ee IRNA.
Booqashadan aya ujeedadeedu tahay in la qabto wadatashiyo laba geesood ah iyo in laga wada hadlo horumarka gobolka ee socda, iyo sidoo kale xaaladdii ugu dambeysay ee dagaalka Bariga dhexe.
Abbas Araghchi ayaa taleefan kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan, Ishaq Dar, isagoo ka wada hadlay horumarka gobolka, xabbad joojinta iyo dadaallada diblomaasiyadeed ee socda, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Pakistan. Waxa kale oo uu wadahadalo gaar ah la yeeshay taliyaha ciidanka Pakistan, Field Marshal Asim Munir, inkastoo aan la shaacin faah faahin.
Iyada oo ku saleysan xiriiradan, ilo wareedyo ka tirsan dowladda Pakistan ayaa u sheegay Anadolu in Araghchi la filayo inuu tago Islamabad Jimcaha dambe ee todobaadka soo socda.
Pakistan ayaa xoojinaysaa dadaalada lagu soo nooleynayo wareegga labaad ee wadahadalada u dhexeeya Iran iyo Mareykanka.
Ilo wareedyada ayaa sheegaya in wadahadalada lala yeelanayo Tehran ay u gogol xaarayaan wadahadalo cusub ka dib wareegii koowaad ee wadahadallada tooska ah ee lagu qabtay Islamabad 11-12 ka April.
Wadahadaladaas ayaa yimid ka dib markii Pakistan ay dhexdhexaadisay xabad joojin laba toddobaad ah 8 da April, taas oo markii dambe uu kordhiyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyada oo aan la cayimin waqtiga uu bilaabanayo wadahadalka kale ee loo madlanyahay.
