Home DIBADDA Lavrov Oo Ku Eedeeyay Washington Inay Dooneyso Xakamaynta Suuqyada Tamarta Caalamka

Lavrov Oo Ku Eedeeyay Washington Inay Dooneyso Xakamaynta Suuqyada Tamarta Caalamka

0
FILE PHOTO: Russian Foreign Minister Sergei Lavrov attends a news conference following talks with his Italian counterpart Luigi Di Maio in Moscow, Russia February 17, 2022. REUTERS/Shamil Zhumatov/Pool

Moscow, Russia – Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergey Lavrov, ayaa ku eedeeyay Mareykan inuu ku dadaaleyo xakamaynta suuqyada tamarta ee caalamka, isagoo si kulul u dhaliilay waxa uu ku tilmaamay ka leexashada xeerarka caalamiga ah iyo habdhaqan kibir leh oo ay kula dhaqanto dalalka ku yaalla Latin America iyo Bariga Dhexe.

Wareysi uu siiyay telefishinka dowladda Ruushka oo la baahiyay Jimcihii, Lavrov ayaa sheegay in Washington ay dib u celinayso nidaamka xiriirka caalamiga ah, isla markaana adduunka u jiheynayso meel aan lahayn xeerar cad. Wuxuu intaas ku daray in Mareykan uu ku shaqeeyo mabda’ ku saleysan gacan-sareyn ku saabsan suuqyada tamarta dunida.

Lavrov ayaa sidoo kale ku eedeeyay Mareykan inuu mudnaanta siinayo danihiisa gaarka ah oo keliya, isla markaana uu diyaar u yahay inuu difaaco danahaas si kasta oo ay ahaataba, isagoo tusaale u soo qaatay falal ay ka mid yihiin afgambi, afduub iyo dilal lala beegsado hoggaamiyeyaasha dalalka leh kheyraadka dabiiciga ah ee ay u baahan yihiin Mareykan.

Eedeymahan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Russia iyo Mareykan, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha caalamiga ah.

Sidoo kale, Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka, Sergey Lavrov, ayaa ku eedeeyay Mareykan inay ku cadaadineyso dalalka Yurub inay ka tanaasulaan mashruuca dhuumaha gaaska ee Nord Stream, kaas oo gaaska Ruushka u gudbiya dalka Germany.

Lavrov ayaa sidoo kale sheegay in Mareykan ay taageereyso dadaallada Midowga Yurub ee lagu doonayo in lagu qanciyo dalalka Hungary iyo Slovakia inay joojiyaan iibsashada gaaska Ruushka ah.

Wasiirku wuxuu tilmaamay in habkan uusan ahayn mid ku habboon xiriirka caalamiga ah, balse uu yahay isku day dib loogu celinayo xilligii gumeysiga, isagoo sidoo kale dhaliilay siyaasadda Yurub oo uu ku sheegay mid ku dhisan kibir iyo yasid dalalka kale.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version