Home Koonfur Galbeed Taariikh Nololeedka Shariif Sheekh Aadan

Taariikh Nololeedka Shariif Sheekh Aadan

0

Shariif Xasan waxa uu sanadkii 1946-dii ku dhashay degmada Bardaaleee gobolka baay. Shariif Xassan Sheekh Aadan waxa uu siyaasadda kusoo biiray 2004-tii, gaar ahaan 15-kii September 2004 xiligaas oo Shariff Xassan Sheekh Aadan loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaankii, jagadaas gudoomiyaha baarlamaanka kumeel-gaarka Soomaaliya waxa uu hayay ilaa 2007-dii.

Intii ay dowladda joogtay dalka Kenya, waxaa bilowday khilaaf Shariif iyo Cabdullahi Yusuf isku qabteen halka ay dowladda dageyso iyo ciidamada dalka imanaya in lagusoo daro ciidamada ka socda safka hore , arintan oo dhalisay markii dambe in dowladda kala jabto oo labo garab noqoto.

May 11, 2005: Xildhibaan tiradoodu dhan tahay 152 ayaa Nairobi ku yeeshay kalfadhi uu dalbaday Madaxweynaha DFKMG C/Laahi Yuusuf, kalfadhigaas waxaa Baarlamaanku ku ansaxiyey in dowladu dagto Baydhabo iyo Jowhar iyo in ciidamo ka socda Midawga afrika (Suudaan & Uganda) iyo carab la geeyo Soomaaliya .

Kulankaas waxaa ka maqnaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan, Waxaa shir gudoomiye ka ahaa gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Prof. Maxamad Cumar Dalxa.

Guddoomiyaha baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku tilmaamay fadhigii ay 11-kii bishaas isugu yimaadeen xubno ka tirsan baarlamaanku magaalada Nairobi mid aan sharci ahayn wixii ka soo baxayna ay ahaayeen waxba kama jiraan.

 

June 25, 2005: Dowlada Yeman ayaa ku guulaysan waysay in ay heshiis gaaraan Madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG Shariif Xasan , kadib wadahadalo ay dowlada Yemen uga furtay magaalada Sanca ee dalka Yaman.

Kulamada la isku soo hor fariisinayo madaxda ugu saraysa DFKMG waxay Yemen ka dhaceen 21/6/2005 iyo 22/6/2005.

June 2005: Markii ay dowladda Soomaaliya kasoo guurtay Magaalada Nairobi, dowladda waa kala jabtay, waxaa la isku qabtay Soo galitaanka ciidamada wadamada dariska Soomaaliya iyo halka ay saldhiganayso dowladda.

Madaxweyne Cabdulahi Yuusuf, Ra’isul Wasaarihiisa Cali Geedi iyo Wasiirada waxay ay dageen Jowhar oo 90 KM ka xigta dhanka waqooyiga magaalada Muqdishu laakin Sharif waxaa uu iska joogay Kenya isagoo heshiis iyo wada hadal la galay hogaamiye kooxeedkii ka talinayey magaalada Muqdishu, si dowladda iyo Baarlamaanka usoo dagaan magaalada Muqdishu.

Januray 5, 2006: Madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa heshiis ku kala saxiixday magaalada Cadan ee dalka Yemen, heshiiskaas oo ah in ay soo afjaraan xurguftii u dhexeysey labada garab ee Dawlada Federaalka ee Jowhar iyo Muqdisho.

Heshiiskaas in uu dhaco waxaa ku guuleystey madaxweynaha Dalka Yemen, Cali Cabdalla Saalax, oo labada garab ku casumay dalkiisa.

6 February 2005: Shariif Aadan iyo Xildhibaanado u badan hogaamiye kooxeedkii Muqdishu uu horkacayo ayaa ka soo dagay magaalada Muqdishu.

Muddo kadib wada hadal iyo dhex dhexaadin dheer oo dowlada Yemen hormuud ka aheyd, waxaa la isku afgartay in dowladda isugu timaado oo fadhi ka dhigato Baydhabo.

February 26, 2006: Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku kulmay magaalada Baydhabo markii ugu horeysay gudaha Soomaaliya.

 

Khilaaf ayaa soo kala dhex galay isaga iyo Cabdullahi Yusuf kadib markii uu wada hadal la galay Sharif Xasan Maxaakiimtii Islaamiga, Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ayaa isku qabtay markii C/llaahi Yuusuf uu diiday in laga qaybgalo shirka Khartuum, Isla markaana la hor fariisto Golaha Maxaakiimta Islaamiga balse markii dambe Cabdullahi Yusuf waa soo dabcay, waana ka qeyb galay shirkii.

17, January 2007: Muran soo kal dhax gala asaga ibo madaxweynihii xiligas ayaa markii uu fogaaday, Xildhibaanadii ayaa codka kalsoonida u qaaday Sharifka, 183 Xildhibaan ayaa diiday shariif Adan, 8 cod ayaa la jirtay, halkaas ayuu ku dhacay.

 

Markii laga qaaday Gudoomiyaha Baarlamaanka, ma aamusin, waxaa uu magacaabay Baarlamaan xorta ah, waxaa uu heshiis la galay Maxaakiimtii Islaamiga.

Waxaa uu ka qeyb galay shirkii Asmara ee socday mudadii u dhaxeysay 05/09/07-14/09/07,

February 20, 2009 ayuu Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke u magaacaabay Wasiirka Maaliyadda iyo ku xigeenka Ras’isul Wasaaraha dowladdii Madaxweyne Sharif Sheekh Axmed.

Waxa uuna kamid noqday mid kamid ah ragga ugu caansan uguna saameynta badnaa ee golihii wasiirada Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, isagoo ah wasiirka maaliyadda ayuu olole u galay sidii uu ku noqon lahaa Gudoomiye Baarlamaan taasoo markii dambe uu ku guuleystay.

May 25, 2010 ayaa mar labaad loo doortay inuu noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxaa uu jagadaas hayey ilaa Soomaaliya ay ka baxdo nidaamkii KMG 20 August 2012.

February 2012 waxaa uu ka mid ahaa dadkii ku shiray Garoowe sida Madaxweyne Hore Sharif Ahmed, Ra’isul Wasaare Hore Cabdiweli Mhamed Ali, Madaxweyne HorePuntland Abdirahman Mohamed Farole, Madaxweyne Hore galmudug Mohamed Ahmed Alim iyo wakiilka Ahlu Sunnah Wal Jama’a Khalif Abdulkadir Noor, shirkaas waxaa looga hadlay sidii Soomaaliya ay uga bixi lahed KMG.

ampala Cord: Heshiiskii Kampala

Waxaa lagu xasuustaa Shariif Adan Khilaaf isaga Madaxweynihii xiligaas Sharif Sheekh Axmed, oo la isku khilaafay arimo badan sida xiliga doorashada iyo in Baaralaamka iyo dowladda waqti loogu daro iyo in kale, Khilaafkaas aad ayuu u xoogeystay taas oo dhalisay in la iskugu tago Kampala, lana saxiixo Kampala Accord June 9, 2011.

June 19, 2011, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo xiligaas ahaa Ra’isulwasaarihii Soomaaliya ayaa jagada iska casilay, kadib markii uu cadaadis kala kulmay beesha caalamka, taasi oo qeyb ka aheyd Heshiiskii Kampala ee ay kala saxiixdeen Madaxweyne Shariif iyo Gudoomiye Baarlamaanka Shariif Sheekh Aadan, heshiiskaas ayaa ilaa Agoosto 20-keeda 2012-ka sii kordhiyay waqtiga hay’adaha kumeel-gaarka ah.

 

Kaalintiisa Maamulkan Koonfur Galbeed

Maalmo kadib doorashadii 3 March 2014 loogu doortay Madoobe Nuunow Maamulka Lixda Gobol ee Bay, Bakool, Shabelle Hoose, Gedo, Jubba Dhexe iyo Jubba hoose.

Shariif waxaa uu qabtay shir sadex gobol oo kala ah Bay, Bakool iyo Shabelle Hoose , shirkan waxaa kasoo qeyb galay 733 oo ka mid ah odayaasha deegaanka, gabagabadii shirka 27 March 2014 ayuu dhisay Maamul sadex gobol, waxaa madaxweyne Maamulkaas loogu doortay Mohamed Haji Abdinur, ninka oo la sheego in uu yahay Shariif walaalkiis, waxaa kaloo uu ogaa in Maamulkaas aanu laheyn wax sharciyad ah, hase ahaatee xiligaas oo maamulkan dowladda iyo caalamka taageero ka heysato waxaa uu isu soo sharaxay xilka Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed, isagoo taageero buuxda ka heysta odayaasha.

Isqabqabsi siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo iska soo hor jeeda ka dib, 17-kii bishii Nofeembar ee sannadkii 2014-kii ayaa Shariif Xasan loo doortay madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Muddo ka dib waxaa soo if baxay is-mari-waa siyaasadeed oo u dhexeeya dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe ee uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa sii xoogeystay muranka siyaasadeed ee dowlad goboleedyada iyo xukuumadda federaalka, kaasoo marxalado kala duwan soo maray.

Waxaa isbahaysi sameystay madaxda maamul goboleedyada oo markii dambe awooddoodu ay daciiftay.

7-dii bishan Nofeembar ayuu Shariif Xasan ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii madaxweynaha Koonfur Galbeed, xilli ay ku soo fool lahayd doorashada madaxweynaha oo lagu ballansanyahay 17-ka isla bishan.

Wuxuu sheegay inuu ka haray doorashadaas, isagoo go’aankiisana ku micneeyay mid ka dhashay cadaadis siyaasadeed oo ka yimid faragalin uu dowladda dhexe ku eedeeyay iney ku heyso hannaanka siyaasadeed iyo doorashada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Waxaan idin kaga tagayaa su,aasha ah hadaba Shariif xasan sheekh aadan ma yahay shakhsi u qalma inuu hogaamiyo konfurgalbeed?

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version