Home DIBADDA Weerarro Isku Xiran Oo Ka Dhacay Dalka Mali, Kooxo Hubeysan Oo Beegsaday...

Weerarro Isku Xiran Oo Ka Dhacay Dalka Mali, Kooxo Hubeysan Oo Beegsaday Goobo Kala Duwan

0

Bamako, Mali – Kooxo argagaxiso ah iyo kuwo gooni u goosad ah ayaa Sabtidii weerarro isku xiran ka fuliyay meelo kala duwan oo ka tirsan dalka Mali, oo ay ku jiraan caasimadda Bamako iyo magaalooyin kale, taas oo ka mid noqotay weerarradii ugu ballaarnaa ee dalkaas ka dhaca sanadihii dambe.

Kooxda JNIM oo xiriir la leh al-Qaacida ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarrada ka dhacay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Bamako iyo afar magaalo oo kale oo ku yaalla bartamaha iyo waqooyiga Mali, iyagoo sheegay in ay si wadajir ah ula fuliyeen kooxda gooni u goosadka Tuaregga ee Jabhadda Xoreynta Azawad.

Mali ayaa horey ula kulantay kacdoonno ay fuliyaan kooxo xiriir la leh al-Qaacida iyo Daacish, iyo sidoo kale kacdoon gooni u goosad ah oo ka dhacay waqooyiga dalka.

Ciidamada Mali ayaa sheegay in kooxo aan la aqoonsan oo hubeysan ay beegsadeen goobo iyo xeryo ciidan oo ku yaalla Bamako, isla markaana ciidamadu ay ku howlan yihiin ka hortagga weeraryahanada, war dambe oo ay soo saareen ayay ku sheegeen in xaaladda la xakameeyay.

Saxafi ka tirsan Associated Press oo ku sugnaa Bamako ayaa sheegay inuu maqlay rasaas culus oo joogto ah oo ka socota garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Modibo Keïta, oo qiyaastii 15 km u jira bartamaha magaalada, wuxuuna arkay diyaarad helicopter ah oo dul heehaabaysa xaafadaha ku dhow.

Safaaradda Mareykanka ee Bamako ayaa soo saartay digniin amni oo ku saabsan qaraxyo iyo rasaas laga maqlay agagaarka Kati iyo garoonka diyaaradaha, waxayna muwaadiniinta Mareykanka ku boorisay inay guryahooda ku ekaadaan.

Dadka ku nool Kati, oo ah magaalo ku dhow Bamako kuna taal saldhigga ugu weyn ee milatariga Mali, ayaa sheegay inay ku soo tooseen rasaas iyo qaraxyo. Hoggaamiyaha milatariga Mali, Gen Assimi Goïta, ayaa degan Kati, halka guriga wasiirka difaaca uu si weyn u burburay qarax intii weerarku socday.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version