Home DIBADDA Jarmalka Oo Ruushka Ku Eedeeyay Jabsiga Taleefannada 300 Oo Mas’uul Iyo Xildhibaano

Jarmalka Oo Ruushka Ku Eedeeyay Jabsiga Taleefannada 300 Oo Mas’uul Iyo Xildhibaano

0

Berlin, Germany – Mas’uuliyiin Jarmal ah ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu ka dambeeyo weerarro internet oo lagu beegsaday xildhibaano iyo saraakiil sare oo isticmaala barnaamijka fariimaha “Signal”, dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in weerarradan lagu qaaday olole sir-qaadis online ah ah oo si weyn loo abaabulay, isla markaana hadda la joojiyay.

Baaritaanno ay fureen xeer ilaaliyeyaasha Jarmalka ayaa lagu bartilmaameedsaday siyaasiyiin ka tirsan xisbiyo kala duwan, oo ay ku jiraan guddoomiyaha baarlamaanka iyo mas’uul sare oo ka tirsan xisbiga CDU ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Friedrich Merz, sidoo kale waxaa la beegsaday diblomaasiyiin, shaqaale dowladeed iyo saxafiyiin.

Weerarradan ayaa yimid iyadoo Jarmalka uu sheegay in weerarrada internet-ka ee ka dhanka ah uu kordhay tan iyo markii uu bilowday dagaalka Ukraine 2022, iyadoo Jarmalku uu yahay taageeraha ugu weyn ee Ukraine ee Yurub.

Moscow ayaa beenisay inay mas’uul ka tahay weerarradan internet-ka, kuwaas oo ku saleysan fariimo loo diro isticmaaleyaasha oo iska dhiga kuwa ka yimid adeegga “Signal”, iyadoo laga codsanayo inay bixiyaan xog sir ah oo markii dambe loo adeegsado jabsiga akoonnada, gelitaanka kooxaha sheekeysiga, fariimaha iyo sawirrada gaarka ah.

Dowladda Jarmalka weli si rasmi ah ugama hadlin tirada xildhibaanada si gaar ah u saameysay, balse warbixin ay daabacday majaladda Der Spiegel ayaa sheegtay in ugu yaraan 300 akoon oo siyaasiyiin ah la jabsaday.

Mas’uuliyiinta Jarmalka ayaa marar badan lagu beegsaday weerarro internet ah, waxaana tusaale ahaan 2015 la jabsaday kombiyuutarro ka tirsan baarlamaanka Jarmalka iyo xafiiskii ra’iisul wasaarihii xilligaas Angela Merkel.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version