Washington, United States – Casho sharafeedkii saxafiyiinta ee Aqalka Cad ayaa waxaa hareeyay qalalaase amni kadib markii nin hubeysan uu habeenkii Sabtida si lama filaan ah u galay hoolka hore ee goobta lagu qabanayay munaasabadda, halkaas oo uu joogay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo masuuliyiin sare oo kale.
Ninka ayaa watay qoryo iyo mindiyo, wuxuuna isku dayay inuu u gudbo gudaha hoolka weyn ee xafladda ka socotay, balse ciidamada ammaanka ee Secret Service-ka Mareykanka ayaa si degdeg ah uga hortagay, iyagoo gacanta ku dhigay ka hor inta uusan gaarin bartilmaameedkiisa.
Markii ay dhacdadu socotay, martidii ka qeyb galeysay munaasabadda ayaa hoos u dhuuntay miisaska, iyadoo qaar badan ay sheegeen inay maqleen rasaas ka dhacaysa bannaanka hoolka weyn ee hoteelka Washington Hilton.
Ciidamada ammaanka ayaa bilaabay baaritaan la xiriira dhacdada rasaasta, iyagoo xaqiijiyay in ninkii falkaas geystay hadda gacanta lagu hayo.
Madaxweynaha wax dhaawac ah ma gaarin, waxaana si degdeg ah goobta looga daadgureeyay isaga iyo dhammaan masuuliyiintii kale ee halkaas ku sugnaa.
