Conakry, Guinea – Shaqaale ka shaqeeya mashruuca weyn ee macdanta birta Simandou ee dalka Guinea ayaa hakiyay howlaha qodista macdanta kadib muran la xiriira mushaarka, sida ay sheegeen ilo wareedyo dhowr ah. Shaqooyinka qarxinta, rarista iyo daadgureynta macdanta ayaa istaagay tan iyo toddobaadkii hore, inkastoo howlaha tareennada iyo dekedaha ay sii socdaan.
Shaqaalaha iyo maamulka shirkadda ayaa Arbacadii wadahadallo yeeshay si xal looga gaaro shaqo joojinta, taasoo noqotay tii ugu horreysay ee ka dhacda shirkadda “Baowu Winning Consortium Simandou”. Ku dhowaad 3,000 oo shaqaale ah ayaa lagu soo warramayaa inay ku lug leeyihiin shaqo joojintan.
Dowladda Guinea ayaa sanadkii 2025 hirgelisay nidaam mideysan oo mushaaraadka macdanta lagu maamulo si loo yareeyo farqiga mushaharka shirkadaha kala duwan. Shaqaalaha mashruuca Simandou ayaa sheegay in shirkaddu aysan weli si buuxda u dhaqan gelin nidaamka cusub ee mushaharaadka.
Qaar kamid ah shaqaalaha ayaa cabasho ka muujiyay mushahar hooseeya marka loo barbar dhigo shaqaalaha ka shaqeeya qeybaha kale ee mashruuca Simandou. Darawal kamid ah shaqaalaha ayaa sheegay in shirkaddu hore ugu ballanqaadday kordhin mushahar marka wax soo saarku bilowdo, balse taas aysan wali hirgelin.
Mashruuca Simandou ayaa leh keydka ugu weyn ee macdanta birta aan wali la qodin ee dunida, waxaana dhoofintiisu bilaabatay bishii November kadib dib u dhac socday sanado badan. Mashruuca ayaa la filayaa inuu sanadkii soo saaro ilaa 120 bilyan kiilo oo macdanta birta ah marka uu si buuxda u shaqeeyo.
