Muqdisho, Soomaaliya – Banaanbax ay soo abaabuleen xubnaha mucaaradka ah ee ku mideysan golaha Mustaqbalka ayaa galinkiidambe ee galabta kadhacay qeyb kamid ah magaaladda Muqdisho.
Banaanbaxa oo mucaaradku sii shaaciyeen dhowr maalmood kahor ayaa lakulmay is hor istaag ay dowladda federaalku kusameesay, dowladda ayaa guryaha ay dagan yihiin mucaaradka dul dhigtay qeybo kala gadisan oo katirsan ciidanka dowladda.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa goor hore oo xalay ah kaguuray xeyndaabka goroonka diyaaradaha isagoo dagay xaafadda Mirinaayo ee katirsan degmadda Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, halka ay dowladda Soomaaliya ciidan dul geesay guryaha ay banaanka kadageen Senator Cabdi Qeybdiid iyo madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, iyadoo sidoo kale is hor istaag lagu sameeyay xubno kale oo katirsan golaha Mustaqbalka kuwaa oo doonayay inay gaaraan guriga ra’iisulwasaare hore Xasan Cali Kheyre kuwaa oo kala ah siyaasi Cabdiraxmaan Ceynte iyo ra’iisulwasaare hore Maxamed Xuseen Rooble.
Dowladda ayaa habeenkii xalay soo saartay amar ay kufareyso xubnaha mucaaradka in banaanbaxan uu san kadhici Karin meel aysan dowladdu uqorsheyn iyadoo u’asteesay mudaharaadka inuu kaqabsoomo garoonka kubadda cagta Eng Cabdiraxmaan Yariisow ee degmadda Cabdicasiis xilli ay mucaaradku soo saareen warqad ay ku cadeenayaan goobaha uu kadhacayo mudahaaraadka looga soo horjeedo waxa ay ugu yeereen “Dhul boobka” kuwaas oo gaarayay ilaa 19 goobood, hase yeeshee waabarigii saaka nabadoono iyo dhexdhexaadiyaayaal lakulmay madaxweyne hore Shariif ayaa arinta kudhameeyay in mudahaaradku noqdo mid kukooban garoonka Eng Yariisow oo ay dowladdu horay ugu qorsheesay.
Mudaharaad kooban oo ay dhigeen dadka kunool xaafadda “Warlaliska” ayaa sababay dhimashada hal qof oo shacab ah iyo dhaawaca in kale.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta kahadlay xaaladda dalka ayaa su’aal galiyay sababta banaanbaxa loogu aadiyay maanta iyadoo qeyb kamid ah dalka kajirto doorasho balaaran iyo iyadoo dowladda Soomaaliya kubaaqday shir hordhac ah oo wada xaajood ah oo ay layeelaneyso golaha Mustaqbalka.
Mucaaradka ayaa sii wada cadaadiska ay saarayaan xukuumadda madaxweyne Xasan Sheekh iyadoo muddo xileedka dowladda uu kaharsanayahay muddo shan maalmood oo kaliya ah.

