Moscow, Russia – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in dagaalka Ukraine uu kusii dhawaanayo dhammaad, saacado kadib markii uu ballan qaaday in Ruushku uu guul ka gaari doono dagaalka intii lagu jiray dabaaldegyada Maalinta Guusha ee Moscow.
Putin ayaa sheegay inuu diyaar u yahay wadahadallo cusub oo la xiriira amniga Yurub, isagoo xusay in ra’iisul wasaarihii hore ee Jarmalka Gerhard Schröder uu yahay qofka uu doorbidayo inuu la xaajoodo.
Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa galay sanadkii shanaad, iyadoo kumannaan qof ay ku dhinteen, qeybo badan oo Ukraine ahna ay burbureen. Inkastoo Ruushku uu gacanta ku hayo dhul badan, ciidamada Moscow wali ma aysan qabsan guud ahaan gobolka Donbas ee bariga Ukraine.
Dhanka kale, Ruushka iyo Ukraine ayaa isweydaarsaday eedeymo ku saabsan jebinta xabbad-joojin saddex maalmood ah oo dhawaan lagu dhawaaqay. Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay inay is dhaafsadaan min kun maxbuus inta lagu jiro muddada xabbad-joojinta.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa dhinaciisa sheegay in Ukraine ay tahay qayb ka mid ah qoyska Yurub, isagoo xusay taageerada Midowga Yurub ee dalkiisa tan iyo markii uu dagaalku billowday.
