Home DIBADDA Qatar Oo Xoojisay Dadaallada Lagu Dejinaayo Xiisadda Gobolka

Qatar Oo Xoojisay Dadaallada Lagu Dejinaayo Xiisadda Gobolka

0

Doha, Qatar – Dowladda Qatar ayaa kordhisay dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu dejinayo xiisadda gobolka, kadib wada-hadallo uu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, isagoo la xiriiray Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Abbas Araghchi
.
Qatar iyo Pakistan ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo dadaallada dhexdhexaadinta, iyadoo Doha ay ammaantay doorka Islamabad ee xabbad-joojinta u dhexeysa Mareykanka iyo Iran. Labada dhinac ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda nabadda iyo xasilloonida.

Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa sheegay in Qatar ay taageereyso dhammaan dadaallada nabadeed, wuxuuna ku baaqay in dhinacyadu si dhab ah uga qeyb qaataan wadahadallada lagu dejinayo xaaladda
.
Wadahadalka uu la yeeshay Abbas Araghchi ayaa diiradda lagu saaray amniga gobolka iyo xalinta khilaafaadka iyadoo loo marayo wada-hadal. Qatar ayaa sidoo kale ka digtay saameynta ka dhalan karta xiritaanka Marin Biyoodka Hormuz.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda Qatar ayaa magaalada Miami kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio iyo ergayga Bariga Dhexe Steve Witkoff, iyagoo ka hadlay iskaashiga iyo dadaallada lagu dhimayo xiisadda gobolka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version