Home DIBADDA Madaxweynaha Ruushka Oo Gaaray Shiinaha

Madaxweynaha Ruushka Oo Gaaray Shiinaha

0

Beijing, China – Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa maanta oo Arbaco ah magaalada Beijing ku qaabilay dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, halkaas oo ay ku wada yeelanayaan shir looga hadlayo xiriirka labada dal iyo arrimo caalami ah.

Soo dhaweynta rasmiga ah ayaa ka dhacday fagaaraha Tiananmen ee caasimadda Beijing, waxaana ka qeyb galay ciidamada ilaalada shiinaha, kooxo muusig ah iyo carruur siday calamada Shiinaha iyo Ruushka.

Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa sheegtay in wada-hadallada labada hoggaamiye ay diiradda saari doonaan xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga dhinacyada kala duwan iyo arrimaha gobolka iyo kuwa caalamka.

Warbaahinta reer galbeedka ayaa sheegtay in kulanka looga hadli doono booqashadii dhowaan uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku tagay Beijing, iyo sidoo kale dagaalka Bariga Dhexe, tamarta iyo xaaladda nidaamka caalamiga ah.

Putin ayaa Beijing gaaray Talaadadii, waxaana booqashadiisa oo socon doonta labo maalmood lagu sheegay mid lagu xoojinayo xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Shiinaha iyo Ruushka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version