Freetown, Sierra Leone – Dowladda Sierra Leone ayaa heshiis cusub la gaartay Mareykanka si ay u qaabisho muhaajiriin laga masaafurinayo dalkaas, kuwaas oo ka soo jeeda dalalka Galbeedka Afrika, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Timothy Kabba.
Sida heshiisku dhigayo, Sierra Leone ayaa qaadan doonta ilaa 300 qof sanadkii, iyadoo ugu badnaan 25 qof bishii lagu soo diri doono dalkaas, kuwaas oo ka soo jeeda dalalka Senegal, Ghana, Guinea iyo Nigeria.
Duulimaadkii ugu horreeyay ee dadka la masaafuriyay ayaa la filayaa inuu maanta gaaro Freetown, isagoo sida 25 qof oo muhaajiriin ah.
Dowladda Sierra Leone ayaa sheegtay in heshiiskan uu qayb ka yahay iskaashi laba geesood ah oo ay la leedahay Mareykanka, si loo taageero siyaasadda socdaalka ee Washington, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin waxa ay Sierra Leone ka helayso heshiiska.
Dowladda Mareykanka ayaa hore u ballaarisay qorshayaal la mid ah oo ay muhaajiriinta si toos ah ugu celinayso dalal kala duwan oo Afrikaan ah, iyadoo arrintaasi ay dhalisay walaac iyo dhaleeceyn uga timid hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo khubaro dhanka sharciga ah.
