Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa ku amartay dowladda inay si cad u shaaciso faahfaahinta qorshe la xiriira xarun karantiil iyo daaweyn loogu talagalay dadka qaba cudurka Ebola, taasoo la qorsheeyay in laga hirgeliyo dalka.
Go’aankan ayaa yimid maalin kaddib markii boqolaal qof ay dibadbaxyo ka dhigeen magaalada Nanyuki ee bartamaha Kenya, iyagoo ka soo horjeestay qorshaha lagu dhisayo xaruntaasi.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay rabshado ka dhacay dibadbaxyada, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Maxkamaddu waxay sidoo kale kordhisay amar hore oo lagu joojiyay dhismaha xarun kasta oo karantiil ama daaweyn Ebola ah, iyadoo mamnuucday in dalka la geeyo ama lagu karantiilo dadka qaba cudurkaas ilaa amar dambe.
Dhanka kale, Maxkamaddu waxay ku amartay Wasaaradda Caafimaadka inay shacabka u soo bandhigto dhammaan faahfaahinta heshiiska, qiimeynta khataraha caafimaad iyo badbaado, oggolaanshaha sharciyeed iyo habraacyada la xiriira mashruuca.
Jimcihii la soo dhaafay ayay Maxkamadda Sare si ku meel gaar ah u hakisay hirgelinta qorshaha, kaddib dacwad lagu sheegay in xarunta la qorsheeyay ay halis ku noqon karto caafimaadka iyo badbaadada bulshada.
