Home Federaalka Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed oo Qaabilay Wasiirrada Arrimaha Dibadda Afrika

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed oo Qaabilay Wasiirrada Arrimaha Dibadda Afrika

0

Seoul, Kuuriyada koonfureed | Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Abdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qeyb galay kulan rasmi ah oo ay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika la yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kuuriyada Koonfureed, Lee Jae-myung, kaas oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ee Cheong Wa Dae.

Kulankan, oo qayb ka ahaa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika, ayaa lagu muujiyey kobaca xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriyada Koonfureed, iyadoo diiradda lagu saaray fursadaha lagu xoojinayo ganacsiga, maalgashiga, tiknoolajiyadda, iyo horumarka waara.

Dhinacyadu waxay sidoo kale isla soo qaadeen muhiimadda ay leedahay ballaarinta iskaashiga dhaqaale iyo horumarineed si loo taageero kobaca iyo barwaaqada wadajirka ah ee dalalka Afrika iyo Kuuriyada Koonfureed.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version