Friday, June 5, 2026

Ciidamadda Dowladda Soomaaliya Iyo Kuwo Ilaalo U’Ah Mucaaradka Oo Tacshiirad Isku Weydaarsaday Muqdisho

Share

MUQDISHO – Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamo daacad u’ah ra’iisulwasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre ayaa galabta is weydaarsaday rasaas tacshiirad ah.

Weerarka labada dhinac sameeyeen ayaa kusoo aadaya iyadoo habeenimadii xalay uu ra’iisul wasaare hore Khayre kasoo guuray xayndaabka garoonka diyaaradaha dagayna daadaga isgoyska Dabka halkaasoo uu daganyahay xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar.

Weerarka labada dhinac isku qaadeen ayaa sidoo kale ku soo beegmaya iyadoo qaar katirsan ciidamada ilaalada u’ah ra’iisul wasaare hore Khayre ay kazoo muuqdeen Internetka iyagoo kuhubeysan hubka culus isla markaana ku sugan dalcada Sayidka oo mitiro yar ujirta aqalka looga arrimiyo dalka.

Weerarka ayaa sidoo kale ku aaday iyadoo guriga uu kusuganyahay ra’iisulwasaare hore Kheyre ay sidoo kale joogeen Ugaaska beesha Murusade, iyo siyaasiyiin kale oo uu kamidyahay agaasimihii hore ee nabadsugida  kaasoo waday waan waan ladoonayo in lagu baajiyo banaanbaxa ay mucaaradku ku balameen inay dhigayaan maalinka barri ah oo ku beegan 04ta June.

Badi xubnaha mucaaradka ah ayaa kasoo baxay xayndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyagoo u guuray goobo ay rabaan inay ka hogaamiyaan banaanbaxa looga soo horjeedo xukuumadda madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhanka kale madaxweynaha Soomaaliya oo dadaal ku bixinaya sidii looga baaqsan lahaa mudaaharaadka barri ayaa ergo nabad sida u diray xubnaha mucaaradka iyadoo qaarkood ku guuldareysteen xal ka keenida xubnaha mucaaradka ah ee ay lakulmeen.

Read more

Local News