Home DIBADDA Dalalka Latin America Oo Cambaareeyay Isku Dayo Lagu Doonayo In Lagu Rido...

Dalalka Latin America Oo Cambaareeyay Isku Dayo Lagu Doonayo In Lagu Rido Dowladda Bolivia

0

La Paz, Bolivia – Mareykanka iyo ku dhowaad 12 dal oo Latin Amerika ah ayaa Jimcihii cambaareeyay waxa ay ku tilmaameen dadaallo socda oo lagu doonayo in lagu rido dowladda Bolivia.

Bayaan ay soo saareen dalalka ku mideysan isbahaysiga Shield of the Americas ayaa lagu sheegay in ay si adag u diidan yihiin isku day kasta oo lagu wiiqayo dowladda si sharci ah loo doortay ee Madaxweynaha Rodrigo Paz.

Dalalka saxiixay bayaanka ayaa sheegay in rabitaanka shacabka lagu muujiyay doorashada uusan beddeli karin rabshado iyo qalalaaso.

Waxay sidoo kale ku eedeeyeen abaabulayaasha dibadbaxyada inay adeegsanayaan xannibaado been abuur ah oo lagu carqaladeynayo gaarsiinta cunnada, daawooyinka iyo adeegyada muhiimka ah.

Bayaanka ayaa ugu baaqay dadka cabashooyinka qaba inay ka faa’iideystaan wada-hadallada dowladda, isla markaana ay diidaan kuwa u adeegsanaya xaaladda si ay u helaan awood siyaasadeed.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version