Home DIBADDA Duqeymo Cusub oo Dhexmaray Mareykanka iyo Iran

Duqeymo Cusub oo Dhexmaray Mareykanka iyo Iran

0

Tehran, Iran – Mareykanka iyo Iran ayaa Subaxnimadii Sabtida isweydaarsaday weerarro cusub oo cirka ah, taas oo sii kordhisay xiisadda halista gelinaysa xabbad-joojinta ee ka jirta gobolka Bariga Dhexe.

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inay soo rideen afar diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo Iran ay u dirtay dhanka Marin Biyoodka Hormuz, sidoo kalena ay duqeeyeen xarumo radar ah oo ku yaalla xeebaha Iran si ay uga hortagaan weerarro kale.

Iran ayaa dhankeeda sheegtay inay beegsatay saldhigyo Mareykan ah oo ku yaalla gobolka Khaliijka, oo kamid yihiin kuwo ku yaalla Kwait iyo Baxrayn.

Ciidamada Mareykanka ayaa ku eedeeyay Iran inay sii waddo khatar ku wajahan maraakiibta ganacsiga ee gobolka, halka Tehran ay ku adkaysatay inay ka jawaabeyso weerar walbo lagu qaado xarumaheeda militari.

Xiisaddan cusub ayaa imaneysa iyadoo dadaallo diblomaasiyadeed ay socdaan oo lagu doonayo in lagu kordhiyo xabbad-joojinta 60 maalmood loona bilaabo wadahadallo cusub oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iran.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version