Home DIBADDA Ciidamada Mareykanka Oo Soo Riday Drones Oo Iraan Ah

Ciidamada Mareykanka Oo Soo Riday Drones Oo Iraan Ah

0

Tehran, Iran – Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ayaa Sabtidii sheegay in ciidamada Mareykanka ay soo rideen laba diyaaradood oo weerar ah oo Iran leedahay, kuwaas oo ku duulayay Marin Biyoodka Hormuz.

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in diyaaradahaasi ay khatar ku ahaayeen maraakiibta caalamiga ah ee isticmaala marin biyoodka muhiimka ah ee Hormuz, oo ah waddo istiraatiiji ah oo ay maraan sahayda tamarta dunida.

Ciidamada Mareykanka ayaa xusay inay weli diyaar u yihiin inay ka hortagaan waxa ay ku tilmaameen weerarro ama hanjabaado uga imanaya Iran.

Dhacdadan ayaa qeyb ka ah xiisadaha isdaba jooga ah ee u dhexeeya Washington iyo Tehran, kuwaas oo sii xoogeystay kadib weerarradii ay Mareykanka iyo Israel ku qaadeen Iran dabayaaqadii bishii February.

Inkastoo xabbad-joojin la gaaray muddo kadib, haddana dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo heshiis ballaaran ayaa weli socda, iyadoo xiisadda gobolka ay taagan tahay.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version