Home DIBADDA Taliyaha Ciidanka Lubnaan Oo Booqasho Rasmi Ah Ku Tagay Pakistan

Taliyaha Ciidanka Lubnaan Oo Booqasho Rasmi Ah Ku Tagay Pakistan

0

Beirut, Lebanon – Ciidanka Lubnaan ayaa sheegay in Taliyaha Ciidanka Lubnaan Rodolphe Haykal uu u ambabaxay Pakistan booqasho rasmi ah, kadib casuumaad uu ka helay Taliyaha Ciidanka Pakistan Asim Munir.

Booqashada ayaa ku soo beegmaysa xilli Pakistan ay waddo dadaallo dhexdhexaadin ah oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israel iyo Iran, kaas oo saameyntiisu gaartay Lubnaan.

Dhanka kale, ciidamada Lubnaan ayaa sheegay in laba sarkaal iyo hal askari lagu dilay duqeyn Israa’iil ay ku beegsatay gaari ciidan oo ku sugnaa koonfurta Lubnaan, inkastoo dhawaan la isku raacay xabbad-joojin shuruudo ku xiran.

Sidoo kale, xiisad diblomaasiyadeed ayaa ka dhex aloosan Lubnaan iyo Iran kadib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Abbas Araghchi uu si kulul uga jawaabay hadallo kasoo baxay Madaxweynaha Lubnaan Joseph Aoun oo ku saabsanaa doorka Tehran ee dalkaas.

Iran ayaa ku adkeysanaysa in xabbad-joojinta Lubnaan ay qayb ka noqoto heshiis kasta oo ay la gaarto Mareykanka, halka Washington ay doonayso in labada arrimood si gaar ah loo maareeyo.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version