FIFA Oo Shaacisay Diidmada Cumar Cartan Ee Koobka Adduunka

    0

    SOOMAALIYA – Garsooraha Soomaaliyeed ee Cumar Cabduqaadir Aadan Cartan ayaa loo diiday dhexdhexaadinta koobka adduunka ee ka furmaya dalalka Mareykanka, Mexico iyo Canada 11 ka Bishan June.

    Hay’adda kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa shaacisay in Cumar garsoore Cumar Cartan uusan ka qeyb noqon doonin garsoorayaasha caalamka ee ka qeyb galaya dhexdhexaadinta koobka adduunka.

    Cumar Cartan oo la filayay inuu noqdo garsoorihii ugu horreeyay ee ka socda Soomaaliya ee dhex dhexaadiya Koobka Adduunka ayaa lakulmay caqabad dhanka socdaalka ah oo uu soo rogay maamulka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

    Afhayeen u hadlay FIFA ayaa xaqiijiyay in cumar Cartan, oo ku guuleystay garsooraha sanadka ee xiriirka Afrika (CAF) sannadkii 2025, uu seegi doono tartanka, isagoo yiri: “FIFA waxay xaqiijin kartaa in garsooraha ciyaarta Omar Abdulkadir Artan uusan awoodin inuu tababarto oo uu garsooro Koobka Adduunka ee FIFA 2026 ka dib markii loo diiday inuu galo Mareykanka”.

    Cumar Cartan oo ka dagay garoonka diyaaradaha Miami ayaa waaxda soccdaalka Mareykanku u diiday Galida gudaha Mareykanka isagoo dib ugu soo laabtay magaalada Stanbul ee dalka Turkiga.

    Ka joojinta ka qeybgalka koobka adduunka ee Cumar Cartan ayaa noqday mid hadal hays badan ka dhaliyay dunida iyadoo dad farabadan oo ay ku jirto xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Mareykanka ka hadleen.

    Dhanka kale wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay ka saarista garsoorayaasha dhexdhexaadinaya koobka adduunka ee furmaya maalimka Khamiista garsoore Cumar Cartan, wasaaradda ayaa xustay in wasaaradda oo kaashaneysa wasaaradda arrimaha dibadda iyo madaxtooyada jamhuuriyadda ay sameesay dadaal diblomaasiyadeed oo lala yeeshay Mareykanka iyo hay’adda FIFA hase yeeshee aysan suuragalin dadaalkii labixiyay.

    Cartan ayaa 2018ka FIFA u’ aqoonsatay garsoore caalami ah isagoo dhex dhexaadiyay kulamo heer qaaradeed ah.

    NO COMMENTS

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    Exit mobile version