Home DIBADDA Weerarro Mareykan Ah Oo Lagu Beegsaday Nidaamyada Difaaca Iiraan

Weerarro Mareykan Ah Oo Lagu Beegsaday Nidaamyada Difaaca Iiraan

0

Washington, US – Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay weerarro ku qaadeen bartilmaameedyo militari oo Iiraan leedahay, kadib markii soo rideen diyaarad dagaal Mareykan ah ee nooca loo yaqaano Apache.

Weerarrada ayaa lagu beegsaday nidaamyada difaaca cirka, xarumaha kontoroolka iyo raadaarrada ku yaalla agagaarka Marinka Hormuz, iyadoo la adeegsaday diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in tallaabadan ay jawaab u tahay weerarka lagu soo riday diyaaradda Mareykanka, isagoo ku tilmaamay jawaabta inay ahayd mid aad u xooggan.

Balse mas’uuliyiin Mareykan ah ayaa sheegay in weerarradu ay ahaayeen kuwo xaddidan oo difaac ah, isla markaana aan waxba ka beddelayn dadaallada lagu doonayo heshiis dhex mara Washington iyo Tehran.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Abbas Araghchi, ayaa sheegay in dalkiisu uusan jawaab la’aan uga tagi doonin weerar ama hanjabaad kasta oo loo geysto.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version