Kabul, Afghanistan – Dowladda Afghanistan ayaa ku eedeysay Pakistan inay duqeymo cirka ah ka geysatay gobollada Kunar, Khost iyo Paktika, kuwaas oo la sheegay inay ku dhinteen 13 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan 11 carruur ah.
Afhayeenka dowladda Afghanistan, Zabihullah Mujahid, ayaa sheegay in diyaaradaha Pakistan ay ku xadgudbeen hawada dalka ayna beegsadeen guryo ay degan yihiin dad rayid ah.
Mujahid ayaa sheegay in duqeymahaas ay ku dhinteen 11 carruur ah, hal haweeney iyo hal nin, halka 14 qof oo kale oo isugu jira haween iyo carruur ay ku dhaawacmeen, isagoo cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay fal gardarro iyo dambi bini’aadantinimo.
Pakistan ayaan weli ka hadlin eedeymahaasi, balse labada dal ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimaha amniga xadka ay wadaagaan.
Xiisadda ayaa sii kordhaysay tan iyo weerarro iyo dagaallo ka dhacay xuduudda labada dal, inkastoo bishii Maarso la gaaray xabbad joojin ay fududeeyeen Turkiga, Sacuudiga iyo Qatar.
