Home Editor's Picks Loolanka Doorashada Koonfurgalbeed Oo Maraya Meel Xasaasi Ah

Loolanka Doorashada Koonfurgalbeed Oo Maraya Meel Xasaasi Ah

0

Baydhabo, Soomaaliya – Waxaa maalinka barri ah loo madlanyahay qabsoomida doorashada madaxweynaha maamulka Koonfurgalbeed Soomaaliya.

Doorashadaan oo ah mid ay ku loolamayaan saddex murashax ayaa ah mid si weyn isha loogu wada hayo, doorashada ayaa waxaa ku tartamaya saddex murashax oo ka kala socda saddex xisbi siyaasadeed kuwaas oo iska diiwaan galiyay gudiga madax banaan ee doorashooyinka qaranka kuwaas oo kala ah; Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP), Karaama iyo Horumar iyo Midnimo Qaran (NPU) Saddexda murashax ayaa kala ah Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdicasiis Maxamed Jawaari.

Sheekh Aadan Madoobe oo ah gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka tartamaya xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka, Cabdicasiis Maxamed Jawaari ayaa karatamaya xisbiga Karaama halka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo horay u soo noqday gudoomiye baarlamaan muddo laba jeer ah iyo madaxweynihii ugu horeeyay ee Koonfurgalbeed uu isna ka tartamayo xisbiga Horumar iyo Midnimo Qaran.

Doorashada madaxweyne ee lafilayo maalinka barri ah inay ka dhacdo magaaladda Baydhabo ayaa ka duwan doorashooyinkii horay uga dhici jiray Koonfurgalbeed iyo guud ahaan Soomaaliya iyadoo noqonaysa doorashadii ugu horeesay ee uu jaangooyo qabsoomideeda gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo soohdimaha qaranka.

Tobanka bishii May ee la soo dhaafay ayey aheyd markii deegaanadda maamulka Koonfrugalbeed ay ka qabsoomeen doorashooyinka qof iyo codka ah ee isugu jirtay golaha deegaanka iyo golaha wakiiladda dowlad goboleedka Koonfurgalbeed iyadoo baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfurgalbeed ee 95 ta xubnood ah ay maalintii Khamiista todobaadkii hore doorteen gudoonka baarlamaanka Koonfurgalbeed ee shanta sano ee soo socota.

Loolanka doorashada madaxweynaha maamulka ayaa ah mid ay si weyn ugu loolamayaan sadexda murashax ee u tartameysa iyadoo mid walba uu bixinayo dadaal dheeraad ah si uu u kasbado codadka xildhibaanada.

Labada murashax ee Shariif Xasan iyo Cabdicasiis Jawaari oo warbaahinta lahadlay barqanimadii maanta ayaa sheegay “in ay ka walaacsanyihiin habsami usocodka doorashada iyagoo codsaday inaan goobta codbixinta loo ogolaan wax taleefan ah sidoo Kalana murashaxiinta dhammaantood ay noqdaan kuwa u siman doorashada, doorashaduna ay noqoto doorasho hufan uu lagu daydo”.

Doorashada Koonfurgalbeed ayaa noqonaysa tii ugu horeesay ee uu maamulo gudiga madax banaan ee doorashooyinka qaranka iyadoo lafilayo in hadii ay soo gabagabowdo doorashada Koonfurgalbeed la Dardar galin doono doorashooyinka maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version