Thursday, August 27, 2026

Laba Duuliye Oo Ku Dhintay Shil Diyaarad Tababar Oo Ka Dhacay Pakistan

Share

Mardan, Pakistan – Laba duuliye ayaa ku dhintay kadib markii diyaarad tababar oo ay lahayd Ciidanka Cirka Pakistan ay ku dhacday waqooyi-galbeed dalka Pakistan, sida lagu sheegay war rasmi ah oo la soo saaray Isniintii.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Mohsin Naqvi ayaa xaqiijiyay dhimashada, isagoo sheegay in shilku uu ka dhacay degmada Mardan ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa, halkaas oo sidoo kale ay ku dhaawacmeen saddex qof oo kale.

Labada duuliye ee geeriyooday ayaa lagu kala magacaabi jiray Captain Qasim iyo Captain Talha, sida lagu sheegay bayaanka dowladda.

Maamulka Pakistan ayaa sheegay in baaritaan la sameyn doono si loo ogaado sababta keentay shilka diyaaradda.

Read more

Local News